Arsene Wenger Oo Ka Rajo Dhigay EPL Kana Hadlay Dhawacyada Ciyaartoydisa

Arsene Wenger Oo Ka Rajo Dhigay EPL Kana Hadlay Dhawacyada Ciyaartoydisa

NNNN

Tababaraha kooxda Arsenal macalimu Arsene Wenger ayaa ka rajo dhigay hanashada horyaalka Ingriiska kadib marki lagu war geliyay in ciyaartoyda dhawaca kaga maqan aan la heli Karin ilaa dhamadka April, sida lagu daabacay shabakada Goal.com.
Arsene Wenger ayaa sheegay in Ramsey uu yahay ciyaaryahanka kaliya Ee rajada laga leeyahay inuu garomada dib ugu soo noqdo, wuxuna Aaron garomada ka maqnan doona muddo labba isbuuc halka Ozil, Wilshere, Koscilney aan la hubin waqtiga ay garomada soo caga dhigi doonan.
” way adagtahay inaad dalaaganto hadii ay kaa maqan yihiin nus ka mid ah ciyaartoydada, midkoodna ( Ozil, Ramsey, Wilshere, Koscilney ) uma dhawa inuu garomada dib ugu soo noqdo, Ozil wuxu maqnan doona labba ama seddex isbuuc sido kale Ramsey labba isbuuc ayaan la heli doonin” ayuu Wenger saxaafada ugu waramay kadib barbarhii ay la galeen Swansea.
” Ramsey ayaa ah ciyaaryahanka ugu soo dhow laga yaaba inuu labba isbuuc maqnaado, marka ciyaaryahan uu dhawac ka soo gaaro meel xasaasi ah sida seedka, waa ay adagtahay had iyo jeer waa inaad cadaadisa lakiin ma aha mid sidaa u sii fog” ayuu Wenger yiri isagoo ay ka muuqato niyad jab.
Arsene Wenger oo bilowgii xilli ciyaaredkan ku naaloonayay guulal iyo hogaminta Premier League ayay mar qura la gadoontay doonida oo waxa ka dhawacmay Ramsey, Walcott, Ozil, Wilshere, Koscilney oo ahaa ciyaartoyda asaasiga u ahaa Arsenal.