Ayax Guuraya oo Hargeysa Ku Habsaday Iyo Walaaca Dadweynuhu Ka Muujiyeen.

Ayax Guuraya oo Hargeysa Ku Habsaday Iyo Walaaca Dadweynuhu Ka Muujiyeen.

Ayax

Hargeysa(Salaanmedia.com) Ayax Guuraya ayaa manta Duhurkii qariyey caasimada Hargeysa kadib markii uu isagoo sida Shinida u xoonsan daafaha magaaladda Hargeysa kolba dhinac kaga soo wareegay isagoo markii danbe isku baahiyey dhamaan xaafadaha Hargeysa.
Dadweynaha Hargeysa oo intooda badani aanay sanadahaas Arag Ayax noocan oo kale ah ayaa manta isugu soo baxay jidadka waxaanay ku dhaygagsanaayeen awooda Ayaxani leeyahay, waxaanu qofkastaa xiisaynayey daawashadiisa.
Dadweynaha Hargeysa oo ka war hayey in Ayaxani mar uun soo gaadhi doono maadaama maalmahanba hadal hayntiisu badnayd ayaa hadana waxa uu u lahaa laba arrimood oo midi tahay dhibaatada uu deegaanka ku keenayo taasoo aanay waxba ka qaban Karin iyo arrinta kale oo ah sida uu u socday Ayaxaasi iyadoo qof kastaa kamarad ku sawirayey marka uu soo gaadho.
Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa sheegtay in aanay u lahayn awood ay kula dagaalanto Ayaxan isla markaana ay rajaynayso gurmad uga yimaada dalalka uu ku wajahan yahay Ayaxani gaar ahaan Dalka Itoobiya