Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Tahli Kari La’ Wax Ka Qabashada Sarifka Lacagaha Qalaad Oo Qaaliyoobay

Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Tahli Kari La’ Wax Ka Qabashada Sarifka Lacagaha Qalaad Oo Qaaliyoobay
BANKA DHEXE

Hargaysa(Salaanmedia.com)mar.20.2014-Bangiga Dhexe Ee Somaliland ayaa mudooyinkii udanbeysay waxaa uu tahli kari la’aa wax ka qabashada Sarifka Lacagaha Qalaad oo Maalmihii u danabaysay gaadhay abid qiimahii ugu sareeyey,waxaana $1 Dollar lagu Sarifayaa 7500 Somaliland Shilling ah.
Sarifka Lacagaha Qalaad ayaa waaxaa Maamulidooda gacanta ku haya Sarif-layaal Wadhato ah ku waasi oo dagan badhtamaha Suuqa Magaalada Hargaysa iyo sida oo kale Ganacsatada Waaweyn ee Dalka,Waxaana ay Labadan Qayboodba yihiin kuwa Xukuma Marwalbana Jaangooya hadba Qiimaha Sarifku uu noqonaayo iyaga oo marwalbana door bida halka ay dantu ugu jiro inay kor uqaadaan ama hoos u dhigaan.
Qaaliga ku yimi sarifka lacagaha qalaad waxaa uu sida oo kale uu saamayn xoogan uu ku yeeshay Maciishadii Dalka oo iyaduna Maalinba Maalinta ka danbaysa sii qaaliyoobaysa taasi oo iyadana loo aanaynaayo sarifka lacagaha qalaad ee sii ee kor u sii kacaaya.
Dhinaca kale waxaa ay Wararku nagu soo gaadhayaan in Gudoomoyiha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi Iyo Sida Oo kale Agaasimaha Baanka somaliland inay Maalmihii udanbaysay ay kulamo la qaadanayeen Sarif-layaasha Wadhatada ah ee Suuqa Magaalada Hargaysa,waxaana ay ka wada Xaajoonayeen sidii si wada jira ay wax uga wada qaban lahaayeen Sarifka Qaaliyoobay .waxaaan ay arintani ina tusinaysaa sida aan marnaba Baanka Dhexe aanu awood buuxda ugu lahayn Maamulida iyo wax ka qabashada Sarifka Lacagaha Qalaad.
Arimahan aynu kor ku soo xusnay ayaa dhamaantoodba waaxaa loo aanaynayaa in Baanka Dhexe ee somaliland aanu lahayn Siyaasad Cad oo uu ku wajaho Sarifka Lacagaha Qalaad,waxaana dunidu inta badan sida aynu ka war qabno ay isticmaashaa Laba arimood oo kala ah MOEYTERY POLICY iyo FISCAL POLICY ku waasi oo sal u ah dajinta iyo maamulida sarifka lacagaha qalaad iyo sida oo kale maamulida hadba maciishada dalku halka ay gaadho balse aanu baanka dhexe si toos ah aanu ugu dhaqmin siyaasadahaasi. Arinta labaad ee iyaduna jirtaa waxa weeye in dalka laga isticmaalo Lacago kala duwan ku waasi oo Jahawareer Xoogan ku riday gabi ahaanba Adeegyadii Asaasiga ahaa ee bulshada,waxaana aad ku arkaysaa goobaha ganacsiga oo Lacagaha Qalaad laga door bido ku wii Dalka.
Isku soo wada duuboo wax ka qabasho la,aanta Sarifka Lacagaha Qalaad ayaa ah mid hanaq-goyn weyn ku ah dhamaanba Shacbiga Reer Somaliland ,waxaana si aada loo dareemayey tan iyo intii talada Dalka ay qabsadeen Xukuumada Siilaayo.