Baanka Dhexe oo Ganacsatadii lacaguhu u Yaaleen U Diiday Inay La Baxaan Si Ay Cashuurta Ugu Bixiyaan

Baanka Dhexe oo Ganacsatadii lacaguhu u Yaaleen U Diiday Inay La Baxaan Si Ay Cashuurta Ugu Bixiyaan
Banka Dhexe

Hargeysa(Salaanmedia.com)-) Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa Ganacsatada waaweyn ee ay lacuguhu u yaaleen u diiday inay kala baxaan shalay, si ay ugu cashuurtaan alaabo dekeda uga soo dagay, kadib markii wasaaradda Maaliyaddu Ganacsatada shardi kaga dhigtay in ay lacag kaash ah Kastamada ku soo shubaan

Khilaaf weyn ayaa ka dhashay talaabada Baanku ku diiday Ganacsatadaas in uu lacagahooda siiyo, waxaana isa soo taraya cabashooyinka ganacsatada lacagahaasi u yaaleen ka muujinayaan talaabada Baanka, iyadoo illaa hada wali taagan yahay khilaafka u dhaxeeya labaad dhinac.
Dahabshiil Oomar iyo Ikhwa oo ah saddexda Shirkadood ee ugu waaweyn ee ay lacaguhu u yaalaan baanka ayey qaarkood walaac ka muujiyeen arrintan, waxaanay Baanka ka codsadeen in uu u sii daayo lacagahooda si ay cashuurta isaga bixiyaan.
Baanka iyo Ganacstada midkoodna wali si rasmi ah arrintan ugama hadal hase yeeshee waxa jira muran sii xoogaysanaya oo u dhaxeeya Ganacsatada iyo Baanka, kaasoo aan la garanayn halka uu salka ku hayo.
Dadka Odorosa arri9maha dhaqaalaha ayaa u food saaraynaya in caqabadu ka taagan tahay khilaaf aan wali soo shaac bixin oo u dhaxeeya Baanka iyo Maaliyadda, kaasoo ka dhashay Sicir bararka Sarrifka iyo xisaabaad dhexdooda ah, kaasoo ka soo bilaabmay amar wasaaradda Maaliyaddu Ganacsatada kaga joojisay in ay Kastamada ku xareeyaan Jeegag ay Baanka ka soo qaataan si ay Cashuur ahaan ugu bixiyaan.
Talaabad wasaaradda Maaliyaddu ay ku Joojisay Jeegag in cashuuraha lagu bixiyo ayaa dhawr jeer ooh ore dhacday, waxaanay arrintaasi salka ku haysay Hab maamulka u dhaxeeya Baanka iyo Maaliyadda kaasoo qoloba qolada kale ku eedaynayso in ay u dhaqmayaan nidaam ka baxsan wadashaqaynyii labada Hay’adood, gaar ahaan Maaliyaddu waxay ku doodaysaa in ay xaq u leedahay in ay lacag cadaan ah ka qabato ganacsatada, halka Baanku-na nidaam ahaan uu ku doodayo in uu isagu lacagtii ka hayo, isla markaana Maaliyaddu kala xisaabtanto in qasnadooda loogu rido iyo inkale.
Si kasta ha ahaatee, khilaafaka Maaliyadda iyo Baanka ayaa u muuqda khilaafkoodu in uu ka dhashay Sicir bararka sarrifka lacagta adag taasoo ay saamyn ku yeelato badnaanshiiyaha iyo yaraanshaha Doolar ama shilling Somaliland-ka kaasoo marna bata marna yaraada, iyagoo labada hay’adoodba ku dadaalaya sidii ay u jabin lahaayeen ayuu midkoodba dhinac ka taagan yahay qaabkii loo xalin lahaa.
Tusaale ahaan, sida muuqata Baanka oo ay masuuliyadiisa tahay jaan-goynta sarrifka ayaan awood badan u lahayn in uu xakameeyo iyadoo toddobaadkii hore uu gaadhay boqola doolar, toddoba boqol iyo dheeraad, halka markii Wasaaradda Maaliyaddu joojisay Jeegagii Ganacsatadu wax kaga cashuuran jirtay uu markiiba hoos u dhacay.