Bidaartu Waxey Leedahay Saddex Faa’iido Oo Aanan La Ogayn

Bidaartu Waxey Leedahay Saddex Faa’iido Oo Aanan La Ogayn

BIDAARTA

Waa run in Rag iyo dumarba ka siman yihiin naceybka bidaarta, Waana run in ruuxii bidaar lihi dadka ka soocan yahay isla markaana uu dareemo kalsooni la’aan naftiisa ah, gaar ahaana nimanka oo ayagu u badan bidaarta ayaa ka welwela in dumarku aaney aqbali doonin bidaarta ay leeyihiin awgeed.
Hadaba hadii aad tahay nin bidaar leh, waxaad maqashaa qeybaha xun ee bidaarta, balse weli ma maqashay faa’iidada bidaartu leedahay ee aad uga nasiib badan tahay ragga timaha leh.
1- Madaxaada oo ka caafimaad badan kan tinta leh
Sow ma aragtid dhalinyaro iyo duqow badan oo suuqyada jooga, hadafkooduna yahay inay helaan shaambo ama dawo baabi’isa qasharka ama agoolka madaxa ka dhasha ee tinta jirideeda hoose ku abuurma? Hadaba dawo walbo iyo shaambo walba intooda badan ma noqdan kuwa sida aad jeceshahay aad ka hesho, qaarkoodna dhibaato ayeyba kuu keenaan, sidaas darteed bidaarta ayaa la isku raacay inay tahay dawada kaliya ee ugu fiican uguna caafimaadka badan ka hortaga agoolka, nabarada, iyo dhamaan wax kastoo ka dhalan kara tinta salkeeda.
2- Waqti fududeys
Imisa ragga ah ayaa si fudud isku diyaariya ayagoo balan ama safar u degdegsan, balse gabagabada isdiyaariskoodu noqdaa shanleynta (feedhista) timaha, ayagoo waqti badan ku lumiya, lagana yaabo in ayba daahaan, oo tinta toos toosinteedu sabab u noqoto habsaankooda.
3- Soo jiidasho gooni ah
Arinta ugu xiisaha badan qoraalkan oo ragga bidaarta leh badankood aysan ogeyn ayaase ah in Bidaartu leedahay soo jiidasho u gaar ah, gaar ahaan marka madaxaadu u sameysan yahay qaab isu dheeli tiran, waxaana la sheegaa in ragga bidaarta leh ay yihiin kuwa lebiska iyo xaraga uga soo bixi og ragga kale, taasna waxaa usii dheer in bidaartu leedahay faa’iidooyin ugaar ah sida la sheegay, oo ay ka mid tahay, jaceyl yaqaan nimo (Romantic) Caqli iyo maskax, iyo Horumar nolosha ah oo ragga bidaarta lihi badankood nasiib u yeeshaan.