Bileyska Diinta Ee Dalkaasi Sucuudiga Oo Lagu Qabtay Iyagoo Xaflad Aan Sharci Ahayn Dhiganaya

Bileyska Diinta Ee Dalkaasi Sucuudiga Oo Lagu Qabtay Iyagoo Xaflad Aan Sharci Ahayn Dhiganaya

Sacuudiga

Bileyska qaabilsan inay ka hortagaan dhaqan xumada ee dalkaasi Sucuudiga ayaa la xidhay qaar kamida kadib markii ay qabsadeen xaflad ay isugu jireen rag iyo dumar oo laga soo qaybgalay.
Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista ayaa xoog kusoo galay aqalkii ayka socotay xaflada oo ku yiillay caasimadda dalkaasi Sucuudiga ee Riyaadh lana xidhay raggii iyo dumarkii kasoo qayb galay xafladaasi iyadoo ay mamnuuc ka tahay dalkaasi boqortooyada inay ragga iyo dumarka ay isdhex galaan ama ay isugu yimaadaan meel public ah cidii ku xadugudubta sharcigaasi laga qaadayo tallaabo cad.
Sida uu sheegay wargayska maalinlaha ee la yidhaah Mzmz, ayaa sheegay in midkamida gudida wanaag farista uu ku amray bileysku inay joojiyaan waxa ay wadaan base ay iska diideen codsigiisii kadibna waxa uu yeedhay xubnihii kale.
“xubnaha bileyska ka hortagga dhaqanka xun ee la xidhay mahan kuwa matalaya bileyskani sababtoo ah iyagii baa bulshada tusaya dhaqanka xun waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciyeysan,” ayuu yidhi mid kamida guddida wanaag farista.