Bisad Badbaadisay 10 Qof Kadib Gurigoodii Oo Gubtay Xilli Dambe Habeenkii

Bisad Badbaadisay 10 Qof Kadib Gurigoodii Oo Gubtay Xilli Dambe Habeenkii

BISAD

Bisad ku noolaayd koonfurta dalkaasi France,ayaa badbaadisay 11 qofood kadib markii uu dab qabsaday gurigii ay deganaayeen,bisadan ayaa xitaa badbaadisay qofkii korsaday iyada isaga iyo qoyskiisa oo daganaa guri weyn,bisaan ayaa xagasho ku bilawday dhulka,markii ay aragtay dabka.sida ay sheegeen saxafaada dalkaasi France.
Ninkan oo la yidhaah Alexander Marlin, oo ku nool dusha sare aqalka ,ayaa ku toosay bisadda oo dhulka xaganaysa iskuna dayaysa inay albaabka furto qaylinaysana si ay u ogaato waxa jira.markii uu ninkii furay albaabkii oo uu kasoo daadegay jaranjaradii waxuu arkay qiiq madaw oo baxaya,kadibna wuxuu wacay dab damiskii isagoo toosiyey saddexdiisii carruur oo hoos dagana.
Maahan markii ugu horaysay oo ay bisad ka qayb qaadato badbaadinta dadka.sanadkii 2012-kii bisad ku cusbayd xaafad ayaa toosisay ninkii keenay xaafada isagoo hurda kadib markii ay dareentay inuu macaankii kusoo kacay.