Booliiska Saldhiga Koodbuur Oo Qabtay Sixiroole Qoysas Badan Waxyeeleeyey.

Booliiska Saldhiga Koodbuur Oo Qabtay Sixiroole Qoysas Badan Waxyeeleeyey.

NEWSSS

Hargeysa(Salaan media.com)-Booliiska Saldhiga Ibraahim Koodbuur ayaa dhawaan xaafadda shacabka ku qabtaya Sixiroole Qoysas badan u geystay dhibaatooyin dhinaca Caafimaadka ah oo ku khal-khaliyey Noloshooda.

Sixiroolahan oo caadaystay kala Dilka Qoysaska ayaa la ogaaday dhawaan qiso uu ku sameeyey gabadh ka mid ah Qoysaska Hargeysa, taasoo inta Suuqa laga soo qafaashay loogu keenay xarun uu ku leeyahay agagaarka xaafadda State House-ka halkaas oo la sheegay in uu ku haysto koox uu ku qadhaabto.
Qisadan oo lagu Eedaynayo Sixiroolaha ayaa soo shaac baxday kadib markii Haweenaydaas loo geeyey mid ka mid ah Culimada Cilaajyada leh ee Diinta Islaamka ku dabiibta dadka xanuunada noocan oo kale ahi ku dhacaan, waxaanay ka sheekaysay sidii ay wax u gaadheen iyadoo tilmaantay in Ninka Sixiroolaha ah ee la qabtay markii loo geeyey uu Baaldi biyo ah oo qadhmuun madaxa u galiyey, taasoo markii uu ka saaray inta uu gaadhigii lagu soo qafaashay dib u saaray ku celiyey Suuqii laga soo kaxeeyey.
Sixirka gabadhan lagu sameeyey ayaa ahaa in iyada iyo Odaygeeda la isku diray, isla markaana waxa uu u qabtay Fal noociisu xun yahay, kaasoo Haweenayda u Urinaya Ninkeeda, isla markaana bedelay Noloshii Qoyskeeda.
Qisadan oo argagax ku abuurtay Qoyskii ay ka soo jeeday ayaa Dacwad u gudbiyey Saldhiga xaafadda Xero Awr ee Ibraahim Koodbuur, kaasoo ku guulaystay in uu gacanta ku soo dhigo Sixiroolaha Haweenayda dhibaatada Caafimaad daro Maskaxdeeda u gaystay, isla markaana iyada iyo Odaygeeda isku Uriyey.

Taliyaha Saldhiga Ibraahim Koodbuur ayaa Warbaahinta u sheegay in ay hayaan Ninka Sixiroolaha ah isla markaana ay Maxkamadda u gudbin doonaan dhawaan.