Carruurta Buuran Oo Aan Waxbarashada Ku Wanaagsanayn

Carruurta Buuran Oo Aan Waxbarashada Ku Wanaagsanayn

CARUURTA BUUR

Cilmi baadhis ay sameeyeen khubarro u dhashay dalka Britain ayaa lagu sheegay in buurnida xad dhaafka ah ay saamayn ku yeelato waxbarashada carruurta yaryar,iyagoo ay natiijada imtixaanadooda ay aad u liidato.
Khubaradani waxay kaloo sheegeen in gabdhaha ay da’doodu tahya 11sano aysan ku fiicnayn iskuulka ilaa inta ay ka gaadhayaan 16 sano ama ay buurnidu ka yaraanayso.
Cilmi baadhayaasha ayaa ka digaya buurnida xad dhaafka ah iyagoo sheegay inay xitaa caafimaadka carruurtu u wanaagsanayn iyagoo cadeeyey boqolkiiba labaatan carruurta 11jirka ah eek u nool cariga Ingiriiska ay yihiin kuwa buuran,halka boqolkiiba shan iyo toban ay buurnidoodu tahay xad dhaaf.
Khubaradan ayaa ku daray in gabdhaha ay da’doodu tahay 11 jir ee aadka u buurani ay aad ugu liitaan maadooyinka xisaabta,iyo sayniska.iyadoo lagu daabacay warbixinta websiteka la yidhaah obesity ee ka hadla buurnida xad dhaafka ah,waxayna sheegeen in sida ay carrurtu ukala buuran yihiin ay ugu kala liitaan waxbarashada,iyagoo ku sababeeyey inay keenayso in culayska hilibku uu waxyeeleeyo maskaxda inay si wanaagsan u shaqayso,iyo caajisnimada oo aad ugu kororoto carruurta buuran.siyaabahaa baa kalifa inay carruurtu wax aqriska aynan ku dadaalin.