Chelsea Oo Nus Darsin Goolal Ah Kaga Badisay Arsenal Xilli Wenger Uu U Dabaaldegayay Kulankiisii 1000aad

Chelsea Oo Nus Darsin Goolal Ah Kaga Badisay Arsenal Xilli Wenger Uu U Dabaaldegayay Kulankiisii 1000aad
Chilse

Chelsea ayaa sii xajisatay hogaanka horyaalka Premier League ka dib markii ay garoonkeeda kaga badisay Arsenal iyadoo Mourinho uu warwar galiyey Wenger oo u dabaaldegayay kulankiisii 1000aad ee Gunners oo haatan uu u noqday mid uu iska ilaawi doono ka dib markii ay ku xaaqeen nus darsan goolal oo aan jawaab laheyn.
Tababare Jose Mourinho ayaa labada ciyaaryahan ee ganaaxa kaga maqnaa Ramires iyo Willian ku kala bedelay David Luiz iyo Schurrle, iyadoo tababare Wenger uu kulankiisii 1000aad kursiga keydka soo fariisiyay saxeexisii bishii Janaury Kallstrom.
Chelsea ayay ku qaadatay kaliya shan daqiiqo inay hogaanka u qabtaan ciyaarta iyadoo kubad uu Schurrle u soo dhigay Eto’o uu si fiican u koontaroolay islamarkaana la leexsaday Oxlade-Chamberlain ka hor inta uusan si cajiib ah ugu qaadin goolka isagoo dabamariyay goolhaye Szczesny.
Labo daqiiqo ka dib Chelsea ayaa durbadiiba heshay goolkeeda labaad iyadoo mar kale ay Arsenal kubada ku dhumisay khadka dhexe, Matic ayaana kubad u soo dhigay Schurrle kaasoo isna shabaqa ka toogtay geeska xerada goolka iyadoo kubada ay dabamartay goolhaye Szczesny oo aan dhaqdhaqaaq laheyn.Chelsea ayaana aheyd mid carcar ah iyagoo u baxsi weyn ugu jiray inay xilli hore natiijada ciyaarta meel u ridaan, laakiin waxaa daqiiqadii 10aad ka dhaawacmay Samuel Eto’o kaasoo dhaawac uu ka soo gaaray muruqa lugta midig waxaana bedelay Fernando Torres.
Daqiiqadii 15aad ayaa Blues loo dhigay rigoore markii kubad uu Hazard u qaaday goolka ay dabamartay goolhaye Szczesny laakiin Chamberlain oo gadaashiisa taagnaa ayaa kubada u kacay oo gacanta ku sii taabtay.
Waxaana ay aheyd qalad casaan mudan laakiin garsoore Andre Marriner ayaa ku qalday Chamberlain ciyaaryahan Gibbs kaasoo casaan toos ah la siiyay. Rigooradii loo dhigay Chelsea waxaa u soo istaagay xiddigooda Eden Hazard oo gool u sarifay.waxaana ay aheyd weerarada Chelsea iyo goolashooda, daqiiqadii 42aad ayayna heleen goolka seddexaad markii Fernando Torres uu kubad lama gafaan ah u soo dhigay Oscar kaasoo ka dulqaaday goolhaye Szczesny.xiddiga reer Masar Mohamed Salah kaasoo kulankiisii 3aad bedel ku soo galay, xiddigaan 21 jirka ah ayaana islamarkiiba saameyn yeeshay isagoo shabaqa dhex dhigay goolkii lixaad ee Chelsea kuwaasoo ciyaarta ku hogaaminayay nus darsan goolal ah 6-0.
Mourinho ayaana goolka lixaad ugu dabaaldegay si xamaasad leh.