Ciidamada Amisom Iyo Kuwa Dowlada Oo Soo Bandhigay Daroogo Iyo Khamri Laga Helay Saldhig Shabaab Ku Lahaayeen Buuloburde (VIDEO + SAWIRRO)

Ciidamada Amisom Iyo Kuwa Dowlada Oo Soo Bandhigay Daroogo Iyo Khamri Laga Helay Saldhig Shabaab Ku Lahaayeen Buuloburde (VIDEO + SAWIRRO)
Khamrad 1

Buuloburde: (Salaanmedia.com)-Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo baryahan baadhitaano ka waday saldhigyadii Shabaab ay ku lahaayeen degmada Buuloburde ayaa waxaa mid ka mid ah ay ka heleen darooho iyo khamri ay sheegeen in ay iyaga cabi jireen.
Khamrad 2

Mid ka mid ah saraakiisha dowladda ee baadhitaankan qeybta ka ahaa ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab in ay ka been sheegeen diinta islaamka islamarkaana ay khamri iyo daroogo ku isticmaali jireen saldhigyada ayna sidoo kale gabdhaha ku kufsan jireen.

halkan ka daawo vidoega

Sarkaalkan oo warbaahinta kula hadlay goobta muqaadaraadkan ay kusoo bandhigeen ayaa sidoo kale sheegay in tacadiyadaha ay shacabka kula keceen ee loo sheegay ay ka xanuun badan yihiin waxa ay maanta kusoo bandhigayaan halkan