Ciidamada AMISOM Oo Balaadhiyey Hawlgalkooda Ka Dhanka Ah Al-shabaab, Qabsadayna Degmada Buulo-Burde

Ciidamada AMISOM Oo Balaadhiyey Hawlgalkooda Ka Dhanka Ah Al-shabaab, Qabsadayna Degmada Buulo-Burde

CIIDAMADA AMSIN

Muqdisho, March 14, 2014 (W.Wararka)(Salaanmedia.com) – Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo is-garabsanaya ayaa gudaha u galay gellinkii dambe ee shalay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ahayd goob ay ka taliyaan kuna xoog badnaayeen ururka Al-shabaab.
Qabsashada degmadan ayaa timid kadib markii Iska-horimaad xoog-badan uu ka dhacay duleedka magaalada ayaa waxa ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMSIOM u suuro-gashay inay gudaha u galaan degmadaasi Buulo-burde.
“Ciidamada iyo kuwa AMISOM gudaha degmada ayay ku sugan yihiin, dagaalna kama uusan dhicin gudaha degmada Buulo-burte, ciidamaduna fariisimo ayay sameysteen,” ayuu yidhi goobjooge ku sugan degmada Buulo-burde oon magaciisa sheegin xaalada amaan awgeed.
Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in xoogaggii kooxda Al-shabaab ay Buulo-burde iskaga baxeen kaddib dagaal cusuls ay kala kulmeen ciidamada dowladda Somalia oo garabsanaya kuwa AMISOM, ilaa iyo hadana lama oga halka ciidamadii Al-shabaab ay u jihaysteen.
Degmada Buulo-burde oo ah degmada labaad ee ugu weyn gobolka Hiirana ayaa ku jirtay gacanta Al-shabaab dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo laga qabsado.
Tan iyo shalay subax waxa degmadaasi ka jiray barakac ay sameynayaan shacabka ku nool oo qaarkood sheegay in dagaalladu ay ugu soo dhawaadeen degmada. Iyadoo ciidamadan is-bahaysanaya ay isla maanta qabsadeen deegaanka Buq-Aqable oo ku dhow Buulo-burde.
Ururka Al-shabaab weli kama aanu hadal qabsashada degmada Buulo-burde ay ka qabsadeen ciidamada gaashaan-buurta ah ee ka kooban kuwa Somalia iyo kuwa Amisom.

L Q L