Ciidamada Qaranka Oo Qabsaday Deegaano Ka Baabiga U saaran Boosaaso Iyo Qardho Iyo Dawlada Somaliland Oo Digniin Adag U Dirtay Putland Read more: Ciidamada Qaranka Oo Qabsaday Deegaano Ka Baabiga U saaran Boosaaso Iyo Qardho Iyo Dawlada Somaliland Oo Digniin Adag U Dirtay Putland .

Ciidamada Qaranka Oo Qabsaday Deegaano Ka Baabiga U saaran Boosaaso Iyo Qardho Iyo Dawlada Somaliland Oo Digniin Adag U Dirtay Putland Read more: Ciidamada Qaranka Oo Qabsaday Deegaano Ka Baabiga U saaran Boosaaso Iyo Qardho Iyo Dawlada Somaliland Oo Digniin Adag U Dirtay Putland .

Ciidanka qaranka 1

Carmaale, 23 March 2014 (Saaanmedia.coml)- Ciidamada qaranka Somaliland, ayaa shalay markii ugu horaysay fadhiisimo cusub ka dhigtay, gacantana ku dhigay xadka ay Dhanka gobolka Sanaag kala wadaagaan Soomaaliya, gaar ahaan Maamul goboleedka Puntlan, taasoo la sheegay Ciidanka qaranka Somaliland ay shalay ka qabsadeen ciidamo ka tirsan Maamul-gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo doraato dib ugu gurteen maleeshiyaadka maamul-gobaleedk

Somalia oo la yidhaahdo Carmaale oo ugu yaraan 60 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Badhan, ka baabigana u saaran laamiga isku xidha qardho iyo Boosaaso. Halka la sheegay in ciidamada qaranku la wareegeen abaaro labadii duhurnimo ee shalay, kana yaaceen maleeshiyaadka Puntland markii ay ka war-heleen inay ku soo fool leeyihiin goobtaas, Isla markaana dawlada Somaliland ayaa ka bixisay jawaab adag digniita ka soo yeedhay maamulka Puntland, kana hadashay wadahadal dhex-maray maamul-gobaleedka Somalia. Wasiirka Wasaarada Gaashaan Dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cabdillaahi Cadaami oo shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay jiraan ciidamo maamulka Puntland ay soo dhoobeen meelo u dhow xaduudaha Somaliland. “Dhaq-dhaqaaqa millitari wuu jiraa cidda bilawdayna waa Puntland. Anaguna innaanu daawano oo aanu sugno ama mar walba laga wadahadlo oo la yidhaahdo maxaa idinkeenay waxa ka qurux badan millitari dhaq-dhaqaaq sameeyay dhinaca kalena uu imanayaa in millitariga kalena sameeyaan, markaa waxaanu u digaynaa in Puntland faraha la soo gasho xaduudaha Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka gashaan-dhiga Somaliland Cadaami. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inuu waxba kala socon in Degmada Laas-qoray lagu wareejiyey dad ka soo jeeda deegaankaas, waxaanu yidhi “Anigu ma ogi Laas-qoray dad laga rahmay iyo cid gaar loo siiyey ma jirto. Nin kasta oo ku abtirsada deegaanka Laas-qoray, hadday tahay ka Maraykanka jira Baasaboorkiisa waxa ugu qoran meesha uu ku dhashay inay tahay Degmada Laas-qoray. Aniga haddii la baadho Baasabooradaydii hore waxa laga helayaa Laas-qoray, markaa waxaanu u tagnay deegaankayagii iyo dadkayagii. Ninka siyaasiga ah way ka reeban tahay inuu qayliyo oo yidhaahdo tola’ayeey. Ficilkii Puntland ka yimi waxa uu noqday inay ciidamo soo dhoobaan dhul aan dhulkii la isku hayey aan ahayn. Warbaahina kamaanu qaylin oo maanu odhan dhulkii la qabsay ee iyaga ayaanu la hadalnay oo aanu nidhi colaad iyo nabad kala doorta mid oo un. Waxa dhacay hadal dhex-dhexaada, markaa waxay qaateen in halkoodii ku noqdaan, waxaana loo qabtay saacad iyo waqti inay kaga baxaan.” Geesta kale Wasiirka gashaadhiga ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inay jiraan diyaarado dagaal oo maamulka Puntland adeegsanayaan, laguna arkay deegaanka Badhan, waxaanu yidhi, “Diyaarad dul haadaya Badhan oo anigu arkayey ama aan ka mar-qaati kacayaa ma jiro oo goor diyaarad ay timaado Badhan anigu garan maayo. Dayuurad ayaa Wasaaradaas ayay u timi waxaan ku maqlay intii aan joogay Ceerigaabo, laakiin xaqiiqda xagga dadka degan deegaan kaasi o ay noo sheegeen ma jirto……

Xigasho Ogaal