Ciidanka Qaranka Ee Jiida Bariga Sanaag Oo Xalay Si Ba an Isaga Difaacay Weerar Gaadmo Ah Oo Ay Ku Soo Qaadeen Maleeshiyo Puntland Ahi + SAWIRO

Ciidanka Qaranka Ee Jiida Bariga Sanaag Oo Xalay Si Ba an Isaga Difaacay Weerar Gaadmo Ah Oo Ay Ku Soo Qaadeen Maleeshiyo Puntland Ahi
Ciidanka Qar

Dhahar(Salaanmedia.com):-Ciidan ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Malleeshiyo ka soo jeedda dhinaca Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa xalay la sheegay in dagaal culusi ku dhex-maray meel u dhaxaysa deegaannada Xiingalool iyo Dhahar ee Bariga gobolka Sanaag, kana tirsan gobolka Badhan ee dalka Somaliland, sida uu baahiyey xalay Aftahannews oo aanu warkan kazoo xiganay.
Ciidanka Qar 4

Warka ayaa intaa ku daraya in dagaal u dhaxeeya Ciidammo la socda Wasiirka Kallumaysiga iyo khayaraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Bureed) Iyo Malleeshiyaad ka tirsan Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland uu ka dhacay deegaannada u dhaxeeya Xiingalool iyo Dhahar.
Ciidan Qar 3

Dagaalkan u dhaxeeya labadan Ciidan ayaan la hubin qasaaraha ka dhashay, inkasta oo Weriye Aftahannews ka tirsani qaar ka mid ah Bulshada deegaannada Hadaaftimo, Xiingalool iyo Dhahar uu khadka taleefanka xalay saacado dambe markii warka dagaalka la soo sheegay uu kula xidhiidhay, ayaa waxay sheegeen dadkaasi in dagaalka oo xalay goordambe bilaabmay uu illaa saacaddambe oo waabberi ku dhawaadkiiya, hase-ahaatee, may xaqiijin weli xaddiga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Ciidanka Qara

Sidoo kale waxaanu mid ka mid ah Buslahda ku nool deegaanka Xiingalool aannu weydiinnay waxa sababay dagaalka u dhaxeeya labada Ciidan, waaanu ku jawaabay oo yidhi; “Ciidammada Puntland dagaal daandaanisi ah ayay ku qadeen Weftigan uu hoggaaminayay Wasiirka Kallumaysiga oo u sii jeeday deegaannada Xiingalool iyo Dhahar, dagaalkiina waa socoda immika (saddexdii habeennimo ee xalay), waxa gurmad ay ka baxeen deegaanka oo ay kaga soo hor-jeedaan Maamulka Puntland ee colaadda iyo barkaca ka wada Sanaag-Bari.”
Ciidanka Qaran 5

Wararkayga danbe ayaannu idiinku soo gudbin doonna Warkan oo faahfaahsan iyo weliba khasaaraha ka dhashay dagaalka u dhexeeya Malleeshiyada Puntland iyo Ciidammada la socda Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Khayraadka Badda ee Somaliland Cali-Buureed oo ay noo suurageli weyday inaannu caawa khadka taleefanka ku helno.

Ciidanka Qaranka