Ciidanka Qaranka Oo Qabsaday Fadhiisimo Cusub In Yarna U Jira Qardho

Ciidanka Qaranka Oo Qabsaday Fadhiisimo Cusub In Yarna U Jira Qardho

FADHII

Ciidanka Qaranka Oo Qabsaday Fadhiisimo Cusub In Yarna U Jira Qardho.
Ceerigaabo(Salaanmedia.com)-Ciidanka Qaranka Somaliland,ayaa manta markii ugu horaysay fadhiisin cusub ka samaystay xadka ay Dhanka gobolka Sanaag kala wadaagaan Soomaaliya,gaar ahaan Maamul goboleedka Puntland.
Ciidanka Qaranka Somaliland,ayaa maanta ka qabsaday askarta Maamul goboleedka Puntland deegaanka loo yaqaanno carmo oo ugu yaraan 60 KM dhanka bari kaga began magaalada Badhan ee gobolka Badhan isla markaana kaabiga u saaran laamiga isku xidha qardho iyo Boosaaso.

Fadhiisinkan cusub ee ay ciidanka Qaranka Somaliland la wareegeen manta abbaaro labadii duhurnimo,ayaa la sheegay inay deggenaayen askar ka tirsan ciidanka Puntland isla markaana ay iskaga baxeen intaan dagaal ku qabsan goobtaas markii ay ka war heleen in ciidan Somaliland ahi ku soo fool leeyahay.

Wali waxaa socda labada dhinacba diyaar garaw ciidan iyo isu hub uruursi ka dib markii uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland uu u tegay safar uu ku marayay gobolada dalka degmada Laasqoray oo ka tirsan gobolka Bahdan ee Somaliland isla markaana ay sheegato Puntland inay degmadaasi ka mid tahay maamulooda.

Salaanmedia/Burco