Ciyaartoyda Ka Qaybgalaysa Kulanka Ka Hortaga Saboolnimada Ee Zidane & Ronaldo Oo La Shaaciyay

Ciyaartoyda Ka Qaybgalaysa Kulanka Ka Hortaga Saboolnimada Ee Zidane & Ronaldo Oo La Shaaciyay

Ronaldo, Zinedine Zidane, Luis Figo iyo Paolo Maldini ayaa ka mid ah halyeeyo ka qeyb qaadan doona kulan lacago tabarucaad ah lagu uruurinayo oo ka dhici doona Switzerland.
Kulankaan ayaa loo bixiyay Ronaldo, Zidane iyo saaxiibadooda oo wajahaya kooxda Young Boys iyo saaxiibadooda ayaa ah kulankii 11aad ee ka hortaga gaajada ee ay soo qabanqaabiso hay’ada qaxootiga adduunka.
Waxa ay ciyaartaan dhici doontaa 4ta bisha March waxaana ay ka dhici doontaa garoonka qaranka ee magaalada Bern ee dalka Switzelrnad ee Stade de Suisse.
Wajiyada kale ee ka soo muuqan doona kulankaan waxaa ka mid ah Fernando Hierro, Fabio Cannavaro, Robert Pires, Patrick Vieira, Gennaro Gattuso, Pavel Nedved, Christian Vieri iyo Giovane Elber.
Tababarihii hore ee Chelsea Ruud Gullit ayaa macalin u noqon doona kooxd xiddigaha ee Ronaldo iyo Zidane.
Kooxda reer Switzerland ee Young Boys ayaa waxaa ka soo muuqan doona Stephane Chapuisat iyo Hakan Yakin, halka garsoorihii hore Pierluigi Collina ayaa dhexdhexaadin doonta kulankaan.
Kooxda Ronaldo iyo Zidan ayaa ka koobnaan doonta:
Goolhaye: Carlo Cudicini (Italy), Antonios Nikopolidis (Greece)
Daafac: Paolo Maldini, Fabio Cannavaro, Gianluca Zambrotta (Italy), Fernando Hierro, Michel Salgado (Spain), Jamie Carragher (England), Paulo Ferreira, Fernando Couto (Portugal).
Khad Dhexe: Zinedine Zidane, Patrick Vieira, Robert Pires, Christian Kerembeu (France), Luis Figo, Paulo Sousa (Portugal), Pavel Nedved (Czech Republic), Freddie Ljungberg (Sweden), Gaizka Mendieta (Spain), Gennaro Gattuso (Italy), Ronald de Boer (Netherlands), Santiago Solari (Argentina), Hidetoshi Nakata (Japan), Steve McManaman (England)
Weerar: Ronaldo, Marta, Giovane Elber (Brazil), Davor Suker (Croatia), Hakan Sukur (Turkey), Youri Djorkaeff (France), Christian Vieri (Italy), Nuno Gomes (Portugal).