Cristiano Ronaldo Oo Bixinaya Lacag Qaliin Lagu Sameeynayo Ilmo 10 Bilood Jira

Cristiano Ronaldo Oo Bixinaya Lacag Qaliin Lagu Sameeynayo Ilmo 10 Bilood Jira
CRISTIANO ROLANDO

Cristiano Ronaldo ayaa soo bandhigay dhinaciisa jilcan isagoo ku deeqay inuu bixinayo qarashka ku baxay qaliin lagu sameynayo canug 10 bilood jira oo la xanuunsan cudur neerfaha ah.
Erik Ortiz Cruz ayaa si xun u ildaran, waxaana xaaladiisa wax looga qaban karaa kaliya qaliin lagu sameeyo.
Qoyska wiilkaan yar ayaan awoodin inay iska bixiyaan lacagta cusbitaalka ee baadhitaanada kaliya iyadoo baadhitaan kasta uu ku kacayo 6 kun euros, halka qaliinka ay ku baxeyso 60 kun euros.
Sidaasi darteed Ronaldo ayaa u isxaan falaya wiilkaan isagoo balanqaaday inuu bixinayo wax walba oo ku baxaya caafimaadkiisa.
Ciyaaryahankan ayaa markii hore la weydiistay inuu ku deeqo kabo iyo funaanad oo la iibiyo laakiin Ronaldo ayaa go’aansaday inuu jeebkiisa wax walba ka bixiyo.
Horaantii sannadkan Ronaldo ayaa abaalmarintiisii Ballon d’Or la dabaaldegay caruur la xanuunsan kansar isagoo ka balanqaaday mar uu kula kulmay idaacad Isbaanish ah sannadkii hore.