Dagaal Ba,an Oo Ay Xarakada Alshabaab Xalay Ku Qaadeen Xeryaha Buuleburde Ay Ku Leeyihiin Ciidamada AMISOM Iyo Kuwa Dowlada Oo Sababay Qasaare Dhimasho Iyo Dhaawac

Dagaal Ba,an Oo Ay Xarakada Alshabaab Xalay Ku Qaadeen Xeryaha Buuleburde Ay Ku Leeyihiin Ciidamada AMISOM Iyo Kuwa Dowlada Oo Sababay Qasaare Dhimasho Iyo Dhaawac
SHABAAB 1

Buule burte: (Salaanmedia.com)- Maleeshiyada Xarkada Al-Shabaab ayaa xalay dagaal ku qaadday ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.
Col. Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil oo ka mid ah saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalka uu ku dhintay askari Jabuutiyaan ahaa oo qeyb ka ahaa howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM, waxaana ku dhaawacantay labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
SHABAAB 1

Dagaalka wuxuu socday ku dhowaad hal saac, waxaana gudaha Buulo-burte laga maqlayay rasaasta iyo madaafiicda la isku adeegsanayay.
Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in shan maleeshiyo oo Al-Shabaab ahaa ay ku dhinteen dagaalka, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in dib loo waabiyay maleeshiyadii weerarka soo qaadday.
SHABAAB HEE

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgal ka fuliyay duleedka Buulo-burte oo xalay duulaanka ay ka soo qaaday Al-Shabaab.
Ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa Khamiistii la wareegay gacan ku heynta degmada Buulo-burte, kaddib markii ay isaga baxday Al-Shabaab.