Dagaal Qadhaadh Oo Al-Shabaab Iyo Ciidamada Dowlada Somalia Oo Garabsanaya AMISOM Ku Dhex Maray Qoryaaley

Dagaal Qadhaadh Oo Al-Shabaab Iyo Ciidamada Dowlada Somalia Oo Garabsanaya AMISOM Ku Dhex Maray Qoryaaley
Shabaab

Muqdisho, March 23, 2014 (W.Wararka) – (Salaanmedia.com)-Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada Hoose oo sannadihii ugu dambeeyay ay maamulaysay Al-shabaab.
Dagaal culus oo dhacay kaddib ayaa ciidamada dowladda iyo AMISOM waxaa u suuro-gashay in ay la wareegaan degmadaas, inkastoo weli gudaha degmadaas laga maqlayo rasaas iyo hubka culus.
Waxaana ilaa iyo hadda aan si dhab ah loo ogayn khasaaraha uu dagaalkaasi dhaliyey, waana markii u horaysay ee ururka Al-shabaab uu iska caabin kala horyimaado ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Somalia intii uu bilawday hawlgalka lagaga saarayo deegaamadaasi ururka Al-shabaab.
Sidoo kale, wariyeyaal isugu jira Soomaali iyo ajnabi oo la socda ciidanka huwanta ah ee Qoryooleey la wareegay ayaa sheegaya in aanay weli arkin dhimashada labada dhinac ee dagaalamaya, xaaladduna ay tahay mid dagaal oo cakiran.
“Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku socdeen laba waddo ayaa saaka aroortii hore weerar ku qaaday degmada Qoryooley, waxaase hadda gudaha u galay Qoryooleey ciidamadii kasoo dhaqaaqay degmada Jannaale, kuwii kalena dibadda ayay weli ku sugan yihiin,” ayuu yirdh wariyaha BBC-da, oo ka mid ah wariyeyaasha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la socda.
Wariyaha ayaa hadalkiisa raaciyay in mararka qaarkood ay rasaas ka dhacayso gudaha degmada, isagoo intaas ku daray in xaaladdu ay haatan tahay xaalad dagaal oo aad u kacsan.
Taliska AMISOM oo ka hadlay qabshada degmada Qoryooley ayaa iyaguna sheegay in degmadan ay noqonayso tii siddeedaad oo ay ciidamadooda iyo kuwa dowaldda Somalia ay ka qabsadaan Al-shabaab, afartii toddobaad ee ugu dambeeyay.
Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalka lagaga qabsaday degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli madaxda dowladda Soomaaliya ay ku cel-celinayeen inay sannadkan 2014-ka soo af-jarayaan Al-shabaab.