DAREEN CULUS OO KATAAGAN QABASHADA XAFLADA 18KA MAY EE QAARADA YURUB, N/AMERICA IYO WASIIR XIRSI OO MAAMULKA XAFLADAHAASI USOO IGMADEY DAD GAAR AH SIDA AY UGA BIYO DIIDSAN YIHIIN QURBA JOOGA KALE

DAREEN CULUS OO KATAAGAN QABASHADA XAFLADA 18KA MAY EE QAARADA YURUB, N/AMERICA IYO WASIIR XIRSI OO MAAMULKA XAFLADAHAASI USOO IGMADEY DAD GAAR AH SIDA AY UGA BIYO DIIDSAN YIHIIN QURBA JOOGA KALE

XXXXX

London(Salaanmedia.com)-Maalmihii u dambeeyay waxa laga dareemayay guud ahaanba Magaalooyinka Waaweyn ee Qaarada Yurub, gaar ahaana Cariga Ingiriiska dareen hor leh oo khilaaf Culus ka Dhex abuurey Qurba Jooga Reer Somaliland kadib markii, Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, uu Maamulka iyo Masuuliyada Xafladaha loo qabanayo Maalinta Qaranimada Somaliland ee Munaasibada Sideed iyo tobanka May, ee inagu soo aadan u igmadey dad gaar ah oo ay qaarkood isku hayb kasoo wada Jeedaan, taas oo Qurba joog badani ka biyo diidasn yihiin Islamarkaana, laga dareemayo Guud ahaanba Qurba jooga qaarada Yurub ee Muwaadiniinta Somaliland.

Sida ay Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen Qaar kamid ah Qurba Jooga, u dhashey Somaliland ee

UK waxa Maamulka Munaasibadaha ku wajahan Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka May uu uga Soo Igmadey dhinaca Madaxtooyada Somaliland Xubno uu sigaar ah u calaamadiyay oo ay Isku hayb yihiin taas, oo hada ka dhex abuurtey inta ugu badan ee Qurba jooga khilaaf hor leh, maadaama, ay qaar badan oo kamid ah Qurbajoogu u arkaan talaabo cadaalad daro ah, oo kaga timid dhinaca Xukuumada Siilaanyo, iyadoo marka hore ay jireen dareeno ku aadan xanta Qabyaalada ee Xukuumadu marar badan ku kacdo, iyadoo dadka Wasiirku usoo wakiishey ay yihiin marka horeba kuwa uga codsadey arintan nidaam qabiili ah oo dareen badan ka dhex abuurey Qurba jooga islamarkaana, ay Suurtagal tahey in talaabadani ay ku kala Qeybsamaan Jaaliyada Somaliland ku abtirsata ee kunool inta ugu badan Qaarada Yurub sidaa daraadeedna saameyn kuyeelata Quruxdii iyo sharaftii looga baahnaa in Munaasibadaasi u dhacdo.

Ilaa iyo hada lama garanayo Sababta uu Wasiirku dad gaar ah ugu igmadey in ay maamulaan Munaasibada Xafladaha loo qabanayo Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka May ee Qaarada Yurub haseyeeshee, sida ay tibaaxayaan warar ka agdhow raga la sheegay in Loo igmadey Maamulka Munaasibadahan ayaa daaha ka rogay in ay dabada ku hayso talaabadani in ay uga dan leeyihiin qabashada kharashaadka kasoo baxa Xaflada oo ay Wasiirka ugu Sheegeen in loo baahan yahey in lagu caawinayo Dhismaha Jidka Ceerigaabo balse, aanay habayraatee ku qanacsaneyn qurba jooga Reer Somaliland ee ku nool qaarada Yurub kuwaas oo ka deyrinaya talaabada noocan ah ee Wasiirku dad gaar ah ugu soo igamadey Maamulka Xafladaha 18ka May ee ka dhici Doona Qaarada Yurub, iyadoo la dareensan yahey in aan raali laga aheyn arimaha Beesha ee had iyo jeer Xukuumadu ku naasnuujiso Shakhsiyaadka danaha gaarka ah ka wata Howlahan.

Ma aha Markii ugu horeysay ee khilaafyo noocan ah looga Baqo Munaasibada Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland ee Qaarada Yurub lagu qabto oo ay Jaaliyada Reer Somaliland si qiiro leh u muujiyaan Maalintaasi tan iyo intii ay Talada la Wareegtey Xukuumada Madexweyne Axmed Siilaanyo.