David Moyes: Waan Ku Guuleysan Karnaa Champions League

David Moyes: Waan Ku Guuleysan Karnaa Champions League
DEVED

David Moyes ayaa aaminsan in Manchester United ay ku guuleysan karto Champions League ka dib markii ay 3-0 kaga badiyeen Olympiakos kulankii xalayto ee Old Trafford taasoo u xaqiijisay booskooda wareega 8da.
Waxa ay dhanka kale u rogeen guuldarro 2-0 oo soo gaadhay lugtii hore, waxaana ay la mid aheyd guushii Barcelona ay kaga gaareen Old Trafford 21kii March, 1984 ee koobka Cup Winners Cup.
Inkastoo xilli ciyaareedkan uu hoos dhac weyn soo wajahay, Moyes ayaa haatan aaminsan in kooxdiisa ay ku awood tahay kooxaha ku haray tartanka.
Waxa uu yidhi: “Waxa ay haatan u badan tahay in kulamo badan aan aadi doono anagoo naloo arko kuwa daciifsan. Waxaanse rajeynayaa inaan ku guuleysan karno koobka, mana arko sabab aysan ku dhaceynin. Waxaan qabaa in kooxdaan ay awoodo inay hanato koobkaan.
“Haddii aan ku ciyaarno awoodeena taasoo aanan sameynin in badan waxaan qabaa inaan ku awood nahay koox kasta.”