Dawlada Japan Oo $40 Milyan U Balanqaaday Madaxweynaha Somalia

Dawlada Japan Oo $40 Milyan U Balanqaaday Madaxweynaha Somalia
SOMALIA JAPAN

Tokyo, March 14, 2014 (W.Wararka)(Salaanmedia.com) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud (Xasan Culusow) iyo wafdiga uu hogaaminayo oo maalmihii u dambeeyey ku sugan dalka Japan ayaa shalay kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe.
Kulanka Madaxweynaha Somalia ayaa la sheegay inay ku wehelinayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed, Wasiiradda Howlaha Guud Nadiifa Maxamed Cusmaan iyo mas’uuliyiin Dowladda Soomaaliya ka tirsan.
Waxaana kulankaasi labadan dhinac kaga hadleen xidhiidhkooda iyo xaalada Somalia, waxaanay si wada jir ah u qabteen shir jaraa’id.
Ra’iisal Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa ballan-qaaday in Dowladda Japan bixin doonto lacag dhan Afartan Milyan oo Dollar ah ($40 Million) oo ay ku cawinayso Somalia waxaanu yidhi “Dowladda Japan waxay diyaar la tahay mashaariic ay ka faa’iideysan doonaan shacabka Soomaaliya sida Gargaarka beni’adamnimadda, caafimaadka, tayeynta ciidamada iyo shaqo abuuris loo sameynayo dhalinyaradda iyo dumarka Soomaaliya” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiniciisa uga mahad-celiyey Dowladda Japan sida loogu soo dhoweyay Japan iyo taageerada Dowladda Japan ay la garab-taagan tahay shacabka Soomaaliya.
“Ilaa sannadkii ugu dambeyey waxaa jiray mashaariic Dowladda Japan ku bixneysay Soomaaliya haddana sida uu ka dhawaajiyey Ra’iisul wasaaraha Japan ballan qaad ah inay sii kordhiyeen tageeradda Soomaaliya lana wajahayo muhiimadaha koowaad ee Dowladda Soomaaliya” Ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaanu ka codsaday Dowladda Japan in laga taageero Soomaaliya mashaariicda horumarinta dalkiisa sida Technology-da, kaluumeysiga iyo dib-udhiska dalka.

L Q L