Dawlada Saudiga Oo Laba Kunoo Neef Oo Geela Ku Soo Celisay Dekeda Berbera Iyo Wasiirkii Xanaanada Xoolaha Oo Gaadhay Berbera

Dawlada Saudiga Oo Laba Kunoo Neef Oo Geela Ku Soo Celisay Dekeda Berbera Iyo Wasiirkii Xanaanada Xoolaha Oo Gaadhay Berbera
Geela

Berbera (Salaanmedia.com) Dalka Sucuudi Arabia ayaa Maxjarka magaaladda berbera ku soo celiyey laba kun iyo shan boqol oo Neef oo Geel ah, kuwaas oo saaran markab la yidhaahdo Tayba oo Geel iyo Adhi ka qaaday dekedda Berbera.

Markabka Geella lagu soo celiyey ayaa lagu wadaa in uu aroorta ku soo xidho Dekedda Berbera, waxaana lagu wadaa sababta loo soo celiyey dhinaca baadhista Maxjarka oo aan sidii ku haboonayd aan loo marin.
Adhigii saarnaa Markabka ayaa iyaga lagu dajiyey Dalka Sucuudiga kadib markii baadhitaankiisa la xaqiijiyey isla markaana baadhitaankiisii danbe la sugay.
Dr: Cali Maxamuud Guuleed oo ah Dhakhtarka wasaaradda Xanaanada Xoolaha u qaabilsan Maxjarada iyo Gobolka Saaxil ayaa sheegay in Markabka Tayba lagu soo celiyey Geelii saarnaa isla markaana ay ka heleen Maxjarka Sucuudiga qoraalkii baadhitaankooda ay ku sheegeen in ay ka heleen 2% laba in ka badan oo ka mid ah Geelaasi xanuunka Buruseelaha.
Dr: Cali waxa uu sheegay sida jawaabta Sucuudiga ka muuqata in labadii boqol ee Geel ahba shank a mid ahi ay qabaan xanuunkaas hase yeeshee waxa uu ku dooday in mararka qaarkood uu xanuunkaasi soo baxo inta Markabku dhexda ku sii jiro.
Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr: Cabdi Aw Daahir ayaa u ambabaxay magaaladda Berbera si uu u hubiyo xanuunka lagu soo celiyey Geellaasi maadaama Dalka Sucuudigu soo celiyey.
Lama oga halka ay Xukuumaddu saari doonto dhaliisha arrintan maadaama Maxjarka Berbera masuuliyadiisu tahay in uu baadho oo xaqiijiyo Caafimaadaka Xoolaha dhoofaya.