Dawladda Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay Ayax ku habsaday Deegaamadda Xeebaha ah Ee Dalka.

Dawladda Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay Ayax ku habsaday Deegaamadda Xeebaha ah Ee Dalka.

AYAX

Hargeysa (Salaanmedia.com)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ayaa ka dayriyay isla markaana baaq ka soo saaray in ayixii dhawaan ku habsaday xeebaha Somaliland uu faro-baas ku hayo deegaan daaq-simeedka Salal , Awdal, Saaxil, iyo Sanaag.

Sidaasna waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray oo u dhignaa sidan:-
“Wasaarada Beeraha Somaliland Waxay cadaynaysaa iyadoo horana dhowr jeer digniino u soo saartay in ayaxii ku habsaday xeebaha Badda Cas ee Somaliland oo haatan khatar ku hayo deegan-daaqsimeedka gobalada Salal , Awdal, Saaxil, iyo Sanaag.
Ayaxaasi oo haatan dam ka siiyey daaq badan gaar ahaan Banka Giriyaad, Lughaya, Cabdigeedi, Ceeldarad, iyo Banka Goobaare, wuxuu ayaxaasi oo haatan korankor ahi u gudbayaa dalalka Itoobiya iyo Djabuuti.
Waxa jirta in xiligan xoolo aad u fara badani ay ku sugan yihiin jiidahaasi ayaxu ku habsaday oo ay adagtahay in la isticmaalo sunta kiimikada ah ee lagu buufiyo ayaxa Sida “MALATHION”.
Sidaasi darted, wasaarada beeruhu waxay ku talo bixinaysaa in aan lagu degdegin in loo isticmaalo sunta khatarta ku ah xoolaha, dadka iyo deegankaba, balse loo isticmaalo habka makaanikalka ah.
Wasaaradu waxay ka waddaa jiidahaasi daawo aan xoolaha iyo dadka toona u lahayn dhibaato, hasa yeeshee ayaxa ayaa ka baaxad waynaaday arintaa.
Wasaaradu waxay si degdeg ah isugu yeedhay Hay’adaha Caalamiga ah ee ay khusayso arinta ayaxa sida FOA DLCO markii Labaad.

Laaqalo