DHAQAALE INTEE LEEG AYAA KU BIXI KARA MADAXWEYNE SIILAANYO IYO WASIIRADIISA KA OLOLAYNAYA GOBOLADA ?

DHAQAALE INTEE LEEG AYAA KU BIXI KARA MADAXWEYNE SIILAANYO IYO WASIIRADIISA KA OLOLAYNAYA GOBOLADA ?
ZIILANYO BER 5

(Salaanmedia.com)-inta badan Golaha wasiirrada ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,ayaa raacay Wefti Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo hogaaminayo oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay isaga gudbay Gobollada Galbeedka Bariga ee dalka.
Weftigan oo uu markii hore Madaxweynuhu ugu baxay Goboladda Awdal iyo Selel Maalintii Salaasadda, balse si lama filaan ah uu shalay gelinkii dambe inta uu xeebta ka wareegay halkaasi berbera ka galay, ayaa waxa la socda in ka badan labaatan wasiir, Taliyeyaasha saddexda Ciidan ee Milateriga, Bilayska iyo laanta Socdaalka, Xildhibaano Xukuumadyahano ah iyo saraakiil kale oo da
ZIILAANYO 3

Inta badan Masuuliyiinta Xubnaha ka ah weftiga wasiirradu ha ugu badnaadeene ayaan wax door ah iyo baylah uga banaan daba socodka madaxweynuhu jirin, balse shaqada xafiisyadooda uun dacay , weftigana ku kordhiyay Kharash iyo culays qasnadda Dawladda ka go’an, Masuul jeebkiisa wax ka bixinayaana aanu jirin.
Masuuliyiinta Wasiirrada iyo Saraakiisha kale isugu jira ee weftiga isku daba qoray oo aan xataa wax ka khuseeyaa Mashaariicda Madaxweynuhu dhagax dhigay iyo kuwa uu furay toona jirin, waxa ka mida Wasiirka Arrimaha Dibadda, W. Warfaafinta, W, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, W. Waxbarashada, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Dib u dejinta, Taliyaha Laanta Socdaalka, Taliyaha Ciidanka Police ka Raxan Xildhibaano Ah Oo Kale
ZIILANYO BADA 6

Xubnahaasi waxay la socdeen intii Madaxweynuhu marayay gobollada galbeedka, balse waxa weftigu sii laba jibaarmay markii uu gaadhay Berbera, iyadoo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay Magaalada Berbera ku sii qul-qulayeen Masuuliyiin kale iyo dad Taageerayaal xukuumadda u ah, kuwaasoo shalay gelinkii dambe qaarkood la qayb qaadanayeen ku soo dhaweyntii Berbera.
Dareenka Bulshadda
ZILAN BADA

Bulshada ayaa si weyn u dareensan qorshe xumadda io isdaba yaaca weftiga madaxweynaha ka muuqdo yo is daba yaaca
“maanta ma xafiisyo shaqaynaya ayaa jira, Gobolkiiba waa cidla oo dawladdii waxay la socotaa weftiga Madaxweynaha, wasiirradii oo dhami waxay la socdaan madaxweynaha”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida dadka ku xidhan xafiisyada dawladda oo Gelinkii hore ee Maanta ku hungoobay xafiisyo uu adeeg u doontay .
Wasiir iyo Agaasime isku wasaarad ka shaqeeya oo Weftiga Berbera kaga biiray
Wasiirka Kalluumaysiga Cali Jaamac iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, ayaa weftiga Madaxweynaha kaga biiray Magaallada Berbera, waxaanay iyaga iyo wasiirro kale oo uu ka Arrimaha dibadda ku mid yahay maanta ka qayb-galeen munaasibad lagu qabtay Berbera.
Marka ay labadaa masuul Berbera ku suganyihiina ma jirto wax shaqo ah oo doorkoodiiya oo ka socotay Wasaaraddu.
ZIILANYO GALBEED KOR

Mucaaridka oo ku tilmaamay Safar Siyaasadeysan iyo Olole
Safarka Madaxweynaha ee Booqashada gobollada ayaa la aaminsanyahay inuu yahay mid olole siyaasaddeed ku jiro .
Waxa kale oo laga dheehanayaa dhoolatus iyo dhaqdhaqaaq awoodda mucaaridka lagu shiiqinayo, waayo waxa durbaano iyo dad abaabul socdaa laguma tilmaami karo wax caadiya.
Sarkaal sare oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa Gobanimonews u sheegay inay xisbiyaddu u arkaan arrintan Olole.
“waa Kaambeyn siyaasaddeed, waxaase uu muujinayaa marka la eego Wasiirrada daba yaacaya inaan wax shaqo ah oo ay hayaan jirin ee ay bilaa camal yihiin” sidaasi waxa ku dooday Yuusuf oo ka mida Xisbiga Ucid.
Sidoo kale wararka ku saabsan weftiga ee laga soo dirayo Xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada ayaa mar kasta waxa hal hays ugu noqday “weftiga Madaxweynaha ayaa si aan kala hadh lahayn caleemo qoyan loogu soo dhaweeyay”.
Waxaanad moodaa in muujinta soo dhaweynta lagu damqayo dadka aan siyaasadda xisbiga Kulmiye la dhacsanayn, laguna soo jiidanayo bulshada warku gaadhayo.
Hase ahaatee dadka badankiisu waxaabad moodaa inay aad u dhaliilayaan abaabulka noocan ah oo Kharash badani ku baxo, isla markaana lumiya ujeedada shaqo ee Madaxweynuhu u socdo “maxaynu ka hadlaynaa hadii dadkii madaxweynaha degmooyinka ku soo dhaweynayayba Baabuur lagu sii qaadayo”sidaasi waxa yidhi siyaasi dareen dhaliil ah ka muujiyay dad badan oo ka tegay Caasimadda Hargeysa oo shalay gelinkii dambe Madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo dhaweeyay Berbera.
Shirkii Golaha Wasiirrada ee Khamiislaha ahaa oo la hadal hayo inaanu maanta qabsoomin
Maqnaanshiyaha kala badh iyo dheeraad Golaha Wasiirrada ee xukuumadda, oo qaarkood gobolo kale ku maqanyihiin, ayaa loo aanaynayaa inaanu maanta qabsoomin shirkii todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada, kaasoo uu shirgudoomin lahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dalka oo ah kusimaha Madaxweynaha.
Ma jiraan tibaaxo rasmiya oo laga helay aqalka madaxtooyada oo la xidhiidha baaqashada shirka Golaha Wasiirrada, horena loogama soo saari jirin warbixin qabsoomidiisa iyo natiijada ka soo baxday toona, balse ilo-wareedyo u dhuun daloola qasriga ayaa Gobanimonews u sheegay inaanu shirkaasi qabsoomin.
Sidoo kale xubin ka mida dadka ku dhadhow ayaa sheegay “waxaan u malaynayaa maanta inuu qabsoomin shirkii golaha wasiirradu, waayo wasiirradii oo dhami waxay ku maqanyihiin Berbera”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Xasan oo ka mida dadka arrimaha siyaasadda ku foogan.

BUR BUR DHAQAALE:
Marka la eego baaxadda iyo miisaanka weftigan iyo abaabulka hoose ee ku ladhan, waxa muuqata in dhaqaale xad dhaaf ah oo aan loo meel dayeyn lagu luminayo, kaasoo sii kordhaya mar kasta oo xubnaha weftigu kordhaan.
Waxaanay dadka Dhaqaalaha wax ka yaqaanaa ku qiimeynayaan xaddiyo kala duwan, balse marka laysku soo miinguuriyo Dhiigbax ku ah Dakhliga Qaranka ee danyarta Cashuur ahaan looga qaado.
Waayo shidaalka ku baxaya Gaadiidka ay wataan, abaabulka dadka iyo Sahayda caadiga ah ee daruuriga ah dhamaan waxaas oo dhami waa kharash ka go’an dakhliga dawladda ee dadku in wax loogu qabto ugu hureen cashuurta, halka iminka aad moodo in loo bedelay Olole Siyasaddeed.
Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xiligii uu Mucaaridka ahaa xukuumaddii Daahir Rayaale ku dhaliili jiray ku takri fal dhaqaale iyo Musuqmaasuq,taageerona ku soo jiidan jiray inay Maamul xumadda iyo musuqmaasuqa soo afjarayaan, ayaa maanta isagoo madaxweynaha ah wixii xiligaasi u muuqday baro dheereeyay, isla markaana ku darsaday gaabis dhanka maamulka ah.
Taasoo Bulshada u sawirtay inaan isbedelka hogaamineed ee afar jirsaday dalka waxba u soo kordhin wax ka sii dhaca mooyaane, inkasta oo aan la dafiri Karin inay jiraan Mashaariic badan oo dawladdu door la qaadatay iyo kuwo muddooyinkan dambe bulshada lagu abaabulayay oo ay ka mid tahay waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco oo ay olole wajiyo badan leh xukuumaddu ugu jirto in laami laga dhigo.

Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)