DOORKA MADAXWEYNE SIILAANYO IYO DAMACA BEELAYSAN EE XUKUUMADA IYO DAREENKA REER BERBERA

DOORKA MADAXWEYNE SIILAANYO IYO DAMACA BEELAYSAN EE XUKUUMADA IYO DAREENKA REER BERBERA

ZZZZZ

Berbera(Salaanmedia.com)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilanyo oo sadexdii maalmood ee udanbeeyay kusugnaa magaalada berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa socdaalkiisu dareen gaara ay ka qaateen shacabka deegaanka gobolka saaxil iyada oo ay jiraan kulamo gaar gaara oo Madaxweynuhu uu qasriga Madaxtooyada berbera kula yeeshay beesha uu ka soo jeedo ee bariga Burco sidoo kale Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaan habeenkii xalay socdaal dhuumasho ah ku marmaraayay xaafadaha bariga berbera ee ay dagan yihiin haweenkii u ololayn jiray xiligii doorashadii Madaxweynaha ee uu ku guulaystay hogaaminta dalka.

ZIILAANYO 3

Sidoo kale waxa magaalada berbera lagu arkay dad laga soo daad gureeyay deegaamada bariga fog ee Xagal iyo laasciidle dadkaas oo ujeedad rasmiga ah ee magalada berbera loogu soo daad gureynayaa ay tahay sidii magaalada berbera iyo deegaamada bariga kaga began dagsiimooyin looga samayn lahaa dadkan oo kasoo jeeda beesha Madaxweyne Axmed Siilanyo ayaa sidoo kale raashin tiradiisa lagu qaiyaasay 20,000)oo kiisha looga raray magaalada berbera rashinka oo ka koobnaa noocyada kala duwan ee cuntooyinka la quuto ayaa waxa loo qeybinayaa dadkaasi la soo daad gureeyay ee ladoonayo in lagu deegaameeyo xeebaha bariga berbera oo la sheegayo in laga yagleelayo tuulooyin cusub oo ka qeyb ka ah be boobka ay Madaxweyne Siilanyo iyo beesha uu kasoo jeedaa kuhayaan gobolka Saaxil oo aanay marnaba qarsan kuna taamaya in ay doorashooyinka soo socda ee ay ugu horeyso doorashada baarlamaanku in ay kuraas tira badan ka helaan iyaga oo Kafaa,iidaysanaya mudada ay hayaan hogaaminta dalka ee awooda dawladnimo gacantooda kujirto, talaabooyinka guracan ee ay ay Xukumada Axmed Siilanyo kusoo eekaysiisay gobolka Saaxil ayaa waxa siweyn uga horyimi oo dareen buuxana ka qaatay beesha deegaanka gobolka Saaxil oo iyagana ilaa labadii habeen ee udanbeeyay kulamo ay arimahaas kaga hortagayaan kuyeelanaya magaalada berbera sidoo kale guud ahaan magaalada berbera iyo goobaha bulshadu ku kulanto ayaa lagu hadal hayay Madaxweynihii dalka oo inta uu gobol dhan yimi kulamo qarsoodiya la yeelanaya beeshiisa islamarkaana katalinaya waxyaabo keeni kara isku dhac beeleed iyo Madaxweynihii qaranka loo doortay oo ku foogan quudinta beeshiisa oo kaliya iyo hab deegaamaysiin ah oo aan daah saarayn.
Inkastoo aanay war rasmiyi kasoo bixin kulamada ay beesha deegaanka gobolka saaxil yeelatay hadana waxa ay wararka aanu helay sheegayaan in talaabada ay Madaxweynaha iyo xukumadiisu ku soo eekeysiiyeen gobolkan saaxil gaar ahaan magaalada berbera ay tahay mid keeni karta iskudhac ka dhex dhaca beesha deegaanka gobolka saaxil iyo xukumada habka qabiiliga ah u shaqaynaysa.

ZIILAANYO 4

Dhinaca kale waftiga Madaxweynaha Somaliland ayaanay la socon xubno kasoo jeeda beelaha galbeedka Gobolka Togdheer iyo beesha deegaanka gobolka Saaxil arintaas oo iyana dareenkeeda wadata lagana wada warqabo ujeedad rasmiga ah ee aan loogu soo darin waftiga Madaxweynaha xubnaha kasoo jeeda labadaasi beelood.
Arinta kale ee manta lala cajabay ee kadhacday magaalada berbera ayaa aheyd kadib markii Madaxweyne Axmed Siilanyo salaadii Jimcaha uyimi masjid kuyaala agagaarka xarunta maamulka gobolka Saaxil halkaas oo la soo daadiyay ciidamo aad utira badan oo guud ahaan lawad xidhay jidadkii ka agdhawaa agagaarka masjidkaas dadkii masjidka kujirayna lawada baadhay, baadhitaankaas oo keenay in ay inta badan dadkii masjidkaas kutukanaayay ka dareeraan oo ay usalaad tagaan masaajidad kale ee magaalada berbera iyaga oo siweyn uga biya diiday qaabka loola dhaqmay iyaga oo masaajidka ku cibaadaysanaya, mid kamida dadkii masjidkaas salaada uyimi ee ka cadhooday qaabka ay ula dhaqmeen ciidankii ilaalada u ahaa Madaxweynaha ayaa yidhi”Anigu cibaado ayaanu unimi masjidka awalna waanu kutukan jirnay markaliya ayuubay ciidan qoryo iyo sitaa masjidka soo galeen oo na baadheen waanu yaabnay kadibna waxa nalagu yidhi Madaxweynihii ayaa masjidka imanaya sidaas ayaa laydiin baadhayaa dee maxaad noo baadhaysaa waanu uga bixiye kusoo xereeya ayuu yidhi,

Sikastaba ha ahaatee socdaalkan uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo kuyimi gobolka Saaxil ayaa umuuqda mid qorsheysan oo in badan lasoo qorsheynaayay ajandaha koowaadna uu yahay deegaameynta beesha Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo waayadan danbe siweyn looga dareensanaa magaalada berbera iyada oo shacabka beesha deegaanka berberana hore dhaqdhaqaqa siyaasadaysan ee Xukumadu kuhayso gobolka saaxil kasii diyaar garawday una diyaar Yihiin in ay jawaab ka bixiyaan deeqaafka lagu hayo ee la xidhiidha boobka iyo deegaamaynta ku salaysan awooda dawladnimo…..

L Q L