Dumarka Hindiya Oo Aan Jeclayn Ragga Sawiradooda Dhiga Internetka

Dumarka Hindiya Oo Aan Jeclayn Ragga Sawiradooda Dhiga Internetka
DUMARKA HIN

Daraasad la sameeyey ayaa lagu ogaaday ragga nooca ay ugu neceb yihiin dumarka u dhashay dalkaasi Hindiya.
Dumarkaasi yaa sheegay inaysan ka helin ragga sawiradooda soo dhiga internetka,ama sawirada isqurxinta ah,ee ay soo dhigaan qaybta ay bulshadu ku sheekaysato ,sida lagu xusay website la yidhaah,Shaadi.com oo ururiyey surveygaasi.
Daraasadan ayaa lagu gartay dumarka u dhashay dalkaasi Hindiya noocyada ragga aynan jecleysan.
Markii dumarkani la waydiiyey shayga keliya aysan ku jeclayn ragga,boqolkii saddex iyo labaatan waxay ku jawaabeen kama helno ragga sawiradooda soo dhiga aalada ay bulshadu ku sheekaysato ee loo yaqaan Facebookga.”
Codadka ayaa sidoo kale laga ururiyey qaar kamida dumarkaasi xagga online ka ah oo gaadhaya 6500 oo dumar dhallinyaro ah una dhashay Hindiya,ayaa lagu sheegay hadal ay soo saartay websitekaasi.
Markii la waydiiyey waxa kale ee aysan ku jeclayn ragga marka ay kulmayaan maalinta ugu horeysa,boqolkiiba lixdan waxay ku jawaabeen kama helno ragga marwaliba ku mashquulsan dirista farriimaha ee WhatsApp ka marka waxla wada cunayo”.