Eey Leh Dhiigga Libaaxa Oo La Siistey $2 million

Eey Leh Dhiigga Libaaxa Oo La Siistey $2 million
Eey Dhiiga

Nin u dhashay dalkaasi Shiinaha ayaa ku iibiyey $2 million, warbixinta ayaa sheegaysa inuu yahay eeygii ugu qaalisanaa ee la iibsado.
Eeygaasi ayaa hal sano jir ah lehna timo dahabiya,eeygaasi ayaa ku noolaa magaalada la yidhaah Zhejiang, sida ay qortey jariirada la yidhaah Qianjiang Evening News .
“waxay leeyihiin dhiigga libaaxa wuxuuna la egyahay libaaxa qaab ahaan,” ayuu yidhi ninka eeyga leh oo la yidhaah Zhang Gengyun mar uu u warramayey wargayska isagoo intaa ku daray,in mid kale oo leh timo cas uu siistey 3million oo doolar.
Timihiisa dahabiga ayaa lagu qiyaasay 80 centimetres (31 inches) dhirir, halka miisaankiisuna yahay 90 kilograms ayuu yidhi Zhang,isagoo sheegay inuu ka xun yahay inuu iibiyo eeygaasi.
“eeygan ayaa adag sida lagu helo taas ayaana kaliftey in qiimihiisu kordho sanad waliba,” ayuu raaciyey.