Ergayga QM Ee Somalia Oo Walaac Ka Muujiyay Xiisad U Dhaxaysa Somaliland Iyo Maamul Goboleedka Puntland

Ergayga QM Ee Somalia Oo Walaac Ka Muujiyay Xiisad U Dhaxaysa Somaliland Iyo Maamul Goboleedka Puntland

Ergayga

Addis Ababa, March 26, 2014 (W.Wararka) –(Salaanmedia.)+ Ergayga Qaramada Midoobay ee arrrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay oo ka hadlayay shir Addis-Ababa uga socda golaha ammaanka iyo nabadgalyada ururka Midowga Afrika ayaa daboolka ka qaaday in xafiiskiisu uu ka walaacsan yahay xiisadda u dhaxaysa Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland.
Dajire Nicholas Kay ayaa hoosta ka xariiqay inuu walwal badan ka qabo dagaal ka dhex-dhaca Somaliland iyo Puntland, wuxuuna intaa ku daray inuu ugu baaqayo madaxda Somaliland iyo Puntland inay xaaladda wadahadal ku dhameeyaan.
“Waxaan aad uga walaacsanahay xiisadaha ciidan ee ka dhex-taagan Somaliland iyo Puntland ee ku saabsan cidda maamulaysa gobollada Sool iyo Sanaag. Waxaan ugu baaqayaa madaxda labada dhinac inay ku dhameeyaan xaaladda si deggen oo wadahadalku ugu horreeyo,” ayuu yidji Danjire Kay.
Sidoo kale, war kasoo baxay xafiiska danjira Kay ee Muqdisho aya lagu sheegay in madaxda Somaliland iyo Puntland loogu baaqay inay qaataan talaabooyin kasta oo lagaga baaqsan karo dagaal.

Salaanmedia/Hargaysa