Fabregas: Barcelona Wey Awooda Inay Ku Guuleysato Seddexda Koob Ay U Tartameyso Sanadkan

Fabregas: Barcelona Wey Awooda Inay Ku Guuleysato Seddexda Koob Ay U Tartameyso Sanadkan
Fabregas

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona Francesco Fabregas ayaa aaminsan in kooxdisa Barca ay awoodo inay ku guuleysato seddexda koob ay haatan u tartameyso Ee kala ah Championse League, Copa Del Ray iyo Liga BBVA.
Fabregas oo wareysi dhinacyo badan taabanayo siiyay Radio Catalonia ayaan halkan idinkugu soo gudbineyna hadaldi ugu muuhimsana.
Mar uu ka hadlayay guul daradi ay kala kulmeen Real Valladolid Iyo guushi ay ka gaareen city wuxu yiri:
“qaabka aan u ciyaarnay kulankii Real Valladolid ma aysan ahyen mid ay raali ka ahaayeen dhaman ciyaartoyda Barcelona lakiin kulakii City waxeynu aheyn kuwo isku xiran, waxan ka cabsi qabay inay saameyn nagu yeelato qaab ciyaaredka ciyaartoyda qaar lakiin waxan garoonka kala kulmay ma aanan fileyn, waxan arkay koox dooneysa inay saxaan qaladadkoda oo ay dib ugu soo noqdan wadada guusha, zaaid ayaan u dadaali doona inta ka harsan xilli ciyaaredkan, waxana ku kalsoonahay inan ku guuleysan doono seddexda koob Ee ina hor yaala”.
Mar uu ka hadlayay kooxda uu jeclaan lahaa inay ku aadan iyo qaab ciyaaredka Messi wuxu yiri:
” Champions League kooxaha u tartamaya waxaka mid ah Chelsea iyo Paris Saint Germain oo hormar badan sameyay xilli ciyaaredkan, si kastaba ha ahaate, haatan ma jirto koox yar, Barcelona ahaan kulan walba wuxu ahaan doona mid adag, Messi waa hogaamiyahena waxa nagu waajib ah inan caawino si uu u soo bandhigo qaab ciyaaared wanagsan waayo danta kooxda ayaa ku jirta”.
Mar uu ka hadlayay Xavi, Puyol Iyo goolhaye Valdez wuxu yiri:
“aniga ahaanteyda iskuma arko inan badali karo Xavi, waa ciyaaryahan qatar ah, waxan arki doona Barcelona oo is badashay marka uu baxo, ma hubo in kooxda ay xuman doonta ama wanagsanan doonto, lakiin waxan hubaa inuu is bedel dhici doono, dhanka kale Puyol inuu kooxda ka tagaayo horaan u ogaa, waana guul daro weyn oo soo wajahday Barca inay lumiso halyeey sida Puyol oo kale ah”.
“waa go’oan shaqsiyaded inuu Valdez kooxda isaga tago, isaga kaliya ayaa og meesha ay dantisa ku jirto, Valdez, Xavi, Puyol iyo Iniesta, waxey kooxdan la qeybsadeen dhibaatoyin badan ka hor inta aysan Barca is badalin oo aysan koobabkan ku guuleysan, taasina waxey inoo ahaan doonta cashar aan ka maseerno”…