Filim Laga Sameeyey Nabi Nuux Oo Buuq Ka Dhaliyey Dunida Muslimka

Filim Laga Sameeyey Nabi Nuux Oo Buuq Ka Dhaliyey Dunida Muslimka

FILIM

Filimkan cusub ayaa lagu magacaaba Noah, laguna cabirayo taariikhdii iyo shaqsiyaadkii nebi Nuux CS, filimkani ayaa lagu sameeyey dalkaasi Masar, iyadoo la sheegay inuu ku baxay lacag gaadhaysa 125 milyan oo doolar, sida lagu sheegay wargayska la yidhaah dunida Islaamka.
Ardayda, iyo macallimiinta dalkaasi Masar iyo bulshada ayaa markiiba buuq iyo olole ay kaga cabanayaan filimkaasi kiciyey,iyagoo dalbadayna inlaga mamnuuco filimkaasi dalkaasi,oo aan lagu baahin website yada aflaamta ka hadla ee dalkaasi Masar,iyagoo sheegay inay tahay qalad in filim laga sameeyo Nebi Nuux CS.