Gabadh 16 Jir Ah Oo Is Dishay kadib Markii Ay Hooyadeed Wada Doodeen

Gabadh 16 Jir Ah Oo Is Dishay kadib Markii Ay Hooyadeed Wada Doodeen
GABADH

Kiisaska is dilka ah ee la xidhiidha qaybta ay bulshadu ku sheekaysato ee loo yaqaan Facebook ga oo ay dhallinyaradu aad u isticmaasho ayaa ku soo badanaya dalkaasi Sri Lanka.
Kiiskan oo ah kii saddexaad ee ka dhaca dalkaasi laga soo bilaabo sanadkii cusbaa,wargayska la yidhaah Lakbima ayaa sheegay in Gabadh 16jir ah oo ardayad ay isdishay kadib markii ay hooyadeed ay aragtay iyadoo la sheekaysanaysa saaxiibkeed Facebookga. Sida lagu sheegay warbixintan,gabadha ayaa la sheekaysanaysay saaxiibkeeda qaybta chatting ee Facebookga kadibna ay hooyadeed ugusoo gashay maqsinkeeda,kadibna su’aalo waydiisay.
Gabadhii ayaa dood u bilawday hooyadeed kadibna waxaa dhexmaray labadooda dood aad u kulul,markii ay arorrnimadii ay soo toostay hooyadeed waxay aragtay gabadhii oo dhex laalaada maqsinkeeda iyadoo isdaldashay.bileyska dalkaasi Sri Lanka ayaa xidhay hooyadii si ay su’aalo u waydiiyaan.