Gabadh La Dilay Oo Lagu Dhex Aasay Guri Ku Yaala Bariga Hargeysa Oo Shalay Bileysku Heleen, Cidii Fulisay Oo La Soo Xidhay Iyo Taliyaha Bileyska Oo Ka Warbixiyey

Gabadh La Dilay Oo Lagu Dhex Aasay Guri Ku Yaala Bariga Hargeysa Oo Shalay Bileysku Heleen, Cidii Fulisay Oo La Soo Xidhay Iyo Taliyaha Bileyska Oo Ka Warbixiyey

“Waxa Maanta Lagu Guulaystay In La Helo Marxuumada Oo God Looga Qoday Kadib Markii La Dilay Laguna Aasay Guriga Gacan Ku Dhiiglayda La Soo Qabtay Oo Ku Yaala Xaafada Axmed Macalin Haaruun” Taliyaha Bileyska C/laahi Fadal

Hargeysa (Salaanmedia.com)- Dil aan noociisa hore loogu arag Somaliland oo ka dhacay magaalada Hargeysa ka dib markii Marxuumad la dilay lagu dhex aasay god laga qoday daarada guriga, ayay maanta booliska Somaliland gacanta ku soo dhigeen lix qof oo kiiskaas ku eedaysan isla markaana ay ku soo heleem Meydka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle
Booliska Somaliland,ayaa soo helay meydka marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo meydkeeda lagu dhex aasay guri ku yaalla bariga magaalada Hargeysa ka dib markii la dilay.
Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo la hadlay warbaahinta,ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen 6 qof oo ay ku jirto eedaysanaha koobaad ee dilkan.
Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo arrintaa ka hadlayaana waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan.
“galabta waxaan isugu kiin yeedhay kiis aan noociisu hore dalka uga dhicin oo inagu ugub ah, taariikhdu markii ay ahayd 24/02/2014 waxaa booliiska u yimi dad dhibanayaal ah oo raadinaya Marxuumadda imika meydkeeda la helay Ruqiya Siciid Ayaanle, oo taariikhdaa la waayay,markaa boolisku waxay galeen baadigoob aad u weyn oo dhan walba leh,maantana waxaan soo hellay meydka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle,intaan meydka Marxuumadda la helin waxaan soo qabannay 6 qof oo ay ka mid tahay Gacan ku dhiiglaha koobaad ee kiiskan oo la yihaahdo Muna Maxamed Cabdilaahi taasoo gurigeeda lagu dhex dilay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle isla markaana god looga qoday laguna aasay..” ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.
waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata.
“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa ehelka qaraabada ubadka iyo dhamaan intay ka baxday Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle,baadhistuna wali way noo socotaa,waxaan aad iyo aad uga mahad celinayaa dadwayne kiiskan si wanaagsan booliks auga gacan siiyay,waxaanan halkan ku caddaynayaa in kiiskaasi cid kasta oo uu galo gacan bir ah ku qaban doonno..”

L Q L