Gabadh Nolosha isku Gubtay Markii ay Booliisku sii Daayeen Nin Iyada Kufsaday!

Gabadh Nolosha isku Gubtay Markii ay Booliisku sii Daayeen Nin Iyada Kufsaday!
GABADH DAB

Gabadh yar oo u dhalatay wadanka Pakistan ayaa isbitaalka ugu dhimatay dhaawac culus oo ka soo gaaray dab ay is qabadsiisay, kadib markii ay Police-ka sii daayeen Nin iyada kufsaday.
Amina Bibi oo 18 jir ah ayaa maalintii Khamiista isku gubtay afaafka hore ee saldhiga Police-ka magaalada Muzaffargarh, ee gobolka Punjab.
Gabadha ayaa loo qaaday isbitaalka, hase ahaatee waxa ay ku geeriyootay habeenimadii jimcada ee xalay.
Walaalkeed ayaa sheegay in Go’aanka sii deynta dambiilahaasi uu aad ugu cuslaaday gabadha yar ee ardayada ah.
Wiilkan oo lagu magacaabo Ghulam Shabir ayaa yidhi “Walaashey iyadoo markii hore ka niyad jabtay dhibaatada loo geystay ayey marki eedeysanaha la sii daayay dareentay in aysan wax rajo ah uga harin si ay cadaalad u hesho”
5-tii Bishii January ayey ahayd markii ay gabdhaan afduubteen 5 nin oo burcad ah, iyagoo kufsina u geystay.
Dhacdadan Ayaa Argagax ku noqotay dadka reer pakistaan waxaanay ka mid noqotay arrimaha loogu hadal haynta badan yahay todobaadkii Tagay