GABADHII KU EEDAYSNAYD DILKA FOOSHA XUN OO DAFIRTAY IYO MID KA MID AH UBADKEEDA LA XIDHAN OO QIRTAY INUU DILKAASI GAYSTAY

GABADHII KU EEDAYSNAYD DILKA FOOSHA XUN OO DAFIRTAY IYO MID KA MID AH UBADKEEDA LA XIDHAN OO QIRTAY INUU DILKAASI GAYSTAY

MAXA KAMADAAA

Hargeysa:(Salaanmedia.com)-Waxa Shalay Aroortii Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ee Magaalada Hargeysa la horkeenay Gabadhii ku eedaysnayd dilkii foosha xumaa ee loo gaystay Alle Ha U Naxariistee Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle Bishii Hore badhtamaheedii iyo Afar Carruur ah oo ay dhashay oo iyaguna kula eedaysan danbigaasi dilka ah, waxaana shalay Maxkamadda lagu dhagaysatay labadii marag ee ugu horreeyay ee baadhayaasha ahaa kuwaasi oo maxkamadda horteeda ka akhriyay xaashidii eedda loo haystay gabadhaa iyo afarteeda carruurta ah, halka haweenaydan eedaysanaha ay uga doodayeen afar Qareen, sidoo kale waxaa iyaguna la xidhan oo maxkamadda Shalay ka keenay ninkii qabay gabadhaasi iyo nin kale oo la sheegay inuu booliska marin habaabiyay mudadii lagu guda jiray baadi goobka haweenaydan eedaysanaha ah.

MAXAKAMADA

Kadib markii shalay Haweenaydan iyo Ubadkeedu dhagaysteen Gal-dacwadeedka eeda ah ee loo haysto ee ay soo ururiyeen labada baadhe, waa ay diiday eeddaasi iyo in ay wax dambi ah leedahay, iyadoo shalay maxkamadda horteeda ku gashaanka ku dhufatay inaanay qabin dilkaasi lala xidhiidhinayo, balse mid ka mid ah labadeeda wiil ee la xidhan ayaa qirtay inuu isagu dilkaasi gaystay, laakiin waxaa uu qiray inay hooyadii la xabaashay meydka oo ay godka kula ridday, arrintaasi ayaa ka fajicisay dadkii dhegaysanayay dacwaddan shalay oo ka dhacday hoolka weyn ee maxkamadda Gobolka Maroodi jeex.
Sidoo kale gabadhan dilka loo haysto ayaa codsatay in la hor keeno caddaymo dhab ah oo muujinayay inay dilkaasi gaysatay, waxaanay sidoo kale qareenadii u doodayay xoojiyeen hadalkaa ay ku codsatay in caddaymo la keeno,waxaana ugu danbayntii dhagaysiga dacwaddaasi dib loogu riixay toddobaadka danbe oo halkaasi laga sii ambaqaadi doono. Eedaysanayaasha kale ee la xidhan gabadhan marka laga reebo laba wiil iyo laba gadhood oo ay dhashay ayaa kala ah nin la sheegay in ay wada jiraan haweenaydan oo ay carruur yar yar u hayso, kaasi oo loo haysto inuu wax ka ogaa gabadha dilka loo gaystay islamarkaana uu qariyay, sidaana uu mutaysan doono ciqaabta kiiskaasi uu leeyahay, waxaa kale oo la xidhan nin kale oo la sheegay inay qaraabo yihiin qoyskan eedaysanayaasha ah kaasi oo tilmaamo marin habaabin ah bixiyay mar wax laga waydiiyay marxuumada dhimatay wakhtigii la baadi goobayay dambiilayaasha dambigan gaystay, ninkan ayaa la sheegay inuu booliiska u sheegay xog been abuur ah isagoo ku sheegay in haweenaydani tahriibtay oo uu isagu ku arkay Degmada Wajaale mar ay sii dhaafaysay.
Guud ahaan Shacabka ku dhaqan Somaliland ayaa si weyn ugu dheg taagaya natiijada kama danbaystay ah ee ka soo baxda kiiskan dilka ah ee ay ku eedaysan yihiin toddobada qof, iyaga oo lagu eedaynayo inay gaysteen dil aan hore noociisa loogu arag Somaliland iyaga oo ah eedaysanayaal.