Garsoodhe Andre Marriner Oo Ka Raaligeliyay Arsenal Inuu Isku Qalday Gibbs Iyo Chamberlain

Garsoodhe Andre Marriner Oo Ka Raaligeliyay Arsenal Inuu Isku Qalday Gibbs Iyo Chamberlain
GARSOODHE

Garsoodhe Andre Marriner ayaa ka hadlay sida uu uga xun yahay qaladkii uu sameeyay shalayto kadib markii uu Kieran Gibbs casaan ku siiyay qalad uu galay Alex Oxlade-Chamberlain.
Gibbs ayaa casaan lagu siiyay ka dib markii la isku qalday isaga iyo Chamberlain kulankii ay Chelsea 6-0 ku xasuuqday Arsenal, iyadoo Chamberlain uu gacan ku taabtay kubada xerada ganaaxa dhexdeeda.
Hazarad ayaa gool u sarifay rigooradii loo dhigay, halka Gibbs uu noqday mid ku jahwareersanaa sababta casaan toos ah loo siiyay, iyadoo Oxlade-Chamberlain uu u muuqday inuu u sheegayay garsooraha inuu isaga ahaa qofka qaladka geystay.
“In la isku qaldo labo ciyaaryahan waa wax yar tahay inay dhacdo, waxaana sabab u noqda arimo farsamo” ayaa lagu yidhi warbixin ka soo baxday xiriirka garsoodhayaasha Ingariiska.
“Inkastoo go’aankaan uu ahaa mid adag, Abdre waa uu ka xun yahay inuu ku guuldareystay inuu casaan siiyo ciyaaryahankii mudnaa.
“Waxa uu ka xumaantiisa u bandhigay Arsenal markii loo sheegay arinta.