Golaha Deegaanka Caasimada Oo Si Kulul Uga Jawaabay Digreeto Wasaarada Hawlaha Guud Kaga Joojinayso Dawladaha Hoose Hawlo Ay Qaban Jireen

Golaha Deegaanka Caasimada Oo Si Kulul Uga Jawaabay Digreeto Wasaarada Hawlaha Guud Kaga Joojinayso Dawladaha Hoose Hawlo Ay Qaban Jireen
Golaha Deegaanka

Hargeysa, March 12, 2014 (Salaanmedia.com) – Xildhibaanada golaha deegaanka Hargaysa ayaa si kulul u dhaleeceeyey wareegto uu wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland uu kula wareegay shaqo dawladaha hoose ee Somaliland ay qaban jireen, isla markaana soo saaray amar uu kaga mamnuucayo inay bixiyaan ama qorsheeyaan howlaha danta guud ee magaalooyinka Somaliland.
In ka badan 20-xildhibaan oo uu shir-gudoominayey Maayar ku-xigeenka golaha deganka magaalada Hargaysa, Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne), ayaa si wada jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay xarunta dawladda hoose ee magaaladda Hargeysa, kuwaas oo si weyn uga soo horjeestay amarkaasi wasiirka hawlaha guud, isla markaana taageeray degreeto madaxweynuhu ka soo saaray guryaha dawladda ee shacabku ku jiraan.
Golaha deegaanka ee Hargeysa, ayaa sheegay in awoodaha dhulka danta guud uu sharcigu u jidaynayo inay qorsheeyaan, isla markaana aanay hawlaha guud sharcigu u ogolayn inay la maamusho dawladaha hoose.
“Marka hore waxaan halkana aanu hambyo aanu u marinaynaa madaxweynaha Somaliland oo isaga ay digreetadiisu ay tahay mid waafaqsan xeerarka, haday tahay xeer number 17 , hadaba dulsaarkan uu dulsaaray xeerka ee uu ta madaxweynaha, ee uu yidhi waxaanu tixraacnay ta madaxweynaha ,waxaan hadaba wasiirka leeyahay maad tixraacin xeerkaas oo waxaa uu xeerkani uu dhigayaa in dhulka shacabka in hawlaha guud ay wakiil uga tahay dhulka Somaliland, wixii ka reebana in aanu ka dawlad hoose ahaan aanu shacabka uga wakiil nahay, waxa uu dastuurku uu dhigayaa in xeerka 110aad,111aad iyo 112aad faqardiisa sadexaad inaan anagu awoodahaa aad nagu haysato oo dhanba aanu leenahay..” ayuu yidhi Maayar ku xigeenka Hargeysa, Cabdicasiis Cago weyne.
Digreetadan uu wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo gureyntu soo saaray ayaa noqonaysa mid ka mid ah digreetooyin hore uga soo bixi jiray wasaaradaasi, sida ay sheegeen xildhibaanada golaha deegaanka Caasimadu.
Waxaana inta badan soo noqnoqda khilaafkaasi oo ku salaysan cida iska leh awoodaha maamulka dhulka, inkastoo xeer 17 oo ka hadlaya arrimaha dhulka uu awoodda siinayo dawladaha hoose ee Hargeysa, hase yeeshee lama garanayo sababta wasiirku ula wareegay hawlihii dawladaha hoose.