GOLAHA DHEXE EE XISBI XAAKIMKA KULMIYE OO LOO QAYBIYAY SAAMI QAYBSI BEELAHA SOMALILAND IYO MURAN KA ALOOSAN + GUDIDA FULINTA OO GO,AAMO ANSIXIYAY

Xaq-soor iyo Jamhuuriga oo loo Ansixiyey xubnahoodii, Saamigii oo la isku mari la’yahay, Dastuurka Xisbiga oo la codsaday wax-ka-bedel in lagu sameeyo.

Kulmiye-logo-138x145

Hargeysa(Salaanmedia.com) Kulankii shalay ka dhacay Xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye ee ay yeesheen Guddida Fulinta waxa hadheeyey Dood adag oo la isku mari waayey qoddobadii Ajandaha u ahaa kaasoo uu ugu weynaa Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Dhexe ee Xisbiga oo dib loogu riixay Hogaanku in ay go’aan ka soo gaadhaan kadib markii la isku mari waayey.

Kulanka ay Guddida Fulintu yeesheen shalay waxa lagu Ansixiyey xubno cusub oo lagu daray Tirada Guud ee Ergooyinkii Xisbigu hore u qoondeeyey in ay shirweynaha ka soo xaadiraan oo ahayd 801, kaasoo lagu daray 140 taasoo tirade Ergooyinka ka dhigaysa 941 Ergay in ay ka soo qayb gali doonaan Shirweynaha.
Sidoo kale, waxay Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye Ansixiyeen 130, xubnood oo ay 110 ka mid ah yeelanayaan Urur Siyaasadeedkii Xaq-soor iyo labaatan ay yeelanayaan Urur siyaasadeedkii Jamhuurigu, halka afartii xubnood ee iska casilay guddida qaban qaabada Bedelkoodii iyana lagu Ansixiyey kulankaas.
Guddida Fulintu waxa kale oo ay dalbatay mudada shirweynaha ka hor in la soo qaabeeyo ama la soo saaro qoddobada wax-ka –bedelka iyo kaabista u baahan, si looga sii baaran dego ka hor inta aan shirweynaha la horgeynin.
Ilo wareedyo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa ka socda Liisaska la soo gudbiyey ee illaa hada soo gaadhay gacanta Guddida qaban qaabada oo dhan shan boqol iyo labaatan xubnood ayaa kala noqonaya sidan:-

1. Beesha Arab 140 xubnood

2. Beesha Habar Awal 120xubnood

3. Beesha Samaroon 23 xubnood

4. Beesha Ciise 9 xubnood

5. Beesha Habar-jeclo 82 xubnood

6. Beesha Gar-xajis 57 xubnood

7. Beesha Harti 35 xubnood

8. Beelaha Yar yar 49 xubnood.
Marka la kala gooyo tirade Guud ee Ergooyinka oo laga dhigay 941 iyo 520 Liiskooda la hayo waxa Xisbiga horyaala 421 xubnood oo aan illaa hada la qaybin, kuwaasoo ay ka taagan tahay dooda ugu balaadhan, taasoo ka dhalatay beelaha Saamiga ugu yar ku leh xubnaha imika Liiskooda la hayo, kuwaas oo ku doodaya in ay Cadaalad darro ku habsatay.
Beelaha dhibta ugu badan ka tirsanaya Saami qaybsiga Xubnaha Ergooyinka waxa ka mid ah Beesha Samaroon, Beesha Garxajis iyo Beesha Harti, kuwaas oo aan ku qanacsanayn qaabka lagu salaynayo Saami qaybsiga oo duudsiyaya Xuquuqdii ay Xisbiga ku lahaayeen.
Ma cada in Hogaanka Xisbiga Kulmiye tirada loo dhiibay ee ay gacanta ku hayaan sad weyn ka siin doonaan Beelaha Cabanaya iyo in kale, hase yeeshee dareenada ka soo baxaya Beelaha laga sad roonyahay ayaa la filayaa in ay qaadici doonaan Shirweynaha sida durtaba ka soo baxaysa Xildhibaanada Gobolka Awdal oo qoraal rasmi ah u gudbiyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Xisbigaba.,,