Golaha Guurtida Oo Xukuumada Ugu Baaqay Inay Fuliso Xukunada Dadka Ku Eedaysan Falalka Dilalka Ah Ee Hay’addaha Garsoorku Go’aanka Ka Gaadhaan

Golaha Guurtida Oo Xukuumada Ugu Baaqay Inay Fuliso Xukunada Dadka Ku Eedaysan Falalka Dilalka Ah Ee Hay’addaha Garsoorku Go’aanka Ka Gaadhaan
GUURTIDA

Hargaysa(Salaanmedia.com)March.10.2014 -Golaha Guurtida Somaliland ayaa xukuumada ugu baaqay inay fuliso xukunada iyo go’aanada ay maxkamaduhu ka soo saaraan kiisaska dilalka iyo dacwadaha ay ka garnaqaan, iyagoo tilmaamay in nabadgalyadu ay ku dhisan tahay cadaalada oo sugan iyo fulinta xukunada ka soo baxa hay’adaha garsoorka.
Golaha Guurtidu waxa kale oo ay shacbiga Somaliland ugu baaqeen in nabadgalyada dalka ilaalinteeda meel looga soo wada jeesto, isla markaana laga feejignaado talaabo kasta oo amaanka iyo xasiloonida dalka waxyeelaysa.
Sidaana waxa sheegay gudoomiye ku xigeenka guddida joogtada golaha Guurtida, Muuse Xaaji Cabdi Ducaale oo xilligan golahoodii fasax ku jiro ay guddidaasi joogtadu ugu igman yihiin hawlaha shaqo, oo shalay Wargeyska Haatuf xogwaraysi khaasa ku siiyay xarunta golaha Guurtida ayaa sidoo kale sheegay in guddidooda joogtadu ajandahooga ay ku hawl-galayaan ay dajisteen, kana kooban xaalada nabadgalyo, arrimaha bulshada iyo arrimaha siyaasada gudaha iyo dibada.
Waxaanu tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen taliyihii hore ee Bilayska ee degmada Xaaji Saalax Hurre Sahal iyo marxuum Ruqiya Siciid Ayaanle oo dhawaan si fool loogu dilay caasimada Hargeysa.
Gudoomiye Muuse Xaaji Cabdi oo ugu horayn ka hadlaya arrimahaasi waxa uu yidhi “Waxaanu halkan baaq ka kooban saddex qodob uga diraynaa shacbiga Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa inay nabadgalyada dalka ilaanteeda meel uga soo wada jeestaan, isla markaana ay ka feejignaadaan fal kasta oo wada jirkooda iyo amaanka dalka halis galin kara.
Qodobka labaad, xukuumada Somaliland waxaanu leenahay shacbigu xilkii ay idiin doorteen idinkoo wax badan ka qabtay dhinaca dhinaca horumarka hadana waxaa jirta in nabadgalyadu ay ku dhisan tahay marka ay cadaaladu sugan tahay, isla markaana sidooda loo fuliyo xukunada ay ka soo saaraan hay’adaha garsoorku, taas oo dhibaato keeni karta hadaan la fulin xukunada kiisaska dilalka ah ay ka gaadhaan maxkamadaha.
Sidaa darted waxaanu ku baraarujinaynaa xukuumadu inay fuliso xukunada ka soo baxa hay’adaha garsoorka, si degdeg ahna loo dedajiyo fulinta kiisaska dada ku eedaysan falalka dilalka ee xabsiyada ku jira.
Qodobka saddexaad, madaxdhaqameedyada iyo salaadiinta dalka waxaanu ugu baaqaynaa hawlihii dhaqan ee ay deegaanada miyiga kaalintoodii inay buuxiyaan, hase yeeshee waxay qabyo ka jirtaa sidii bulshada magaalooyinka ku dhaqan aydin isku dhex galin lahaydeen.
Waxa kale oo aanu halkan tacsi uga diraynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen taliyihii hore ee ciidanka Bilayska ee degmada Xaaji Saalax Hurre Sahal iyo Ruqiya Siciid Ayaanle ee dhawaan lagu kala dilay Hargeysa iyo degmada Xaaji Saalax”
Gudoomiye ku xigeenka guddiga joogtada guurtida oo aanu wax ka waydiinay kulan ay albaabadu u xidhan yihiin oo shalay xarunta golahooda ay ku yeesheen guddigoodu waxyaalaha ay ka wada hadleen iyo nuxurka qodobada ajandahooda ayaa waxa uu yidhi “Kulankayaga waxa aanu kaga wada hadalnay oo aanu dajinay ajadahayagii oo ka kooban nabadgalyada, arrimaha bulshada iyo siyaasada gudaha iyo dibada”.