Golaha Wasiiradda Somaliya Oo Maanta Shir Yeeshay Iyo Wixii Ay Ka Wada Hadleen.

Golaha Wasiiradda Somaliya Oo Maanta Shir Yeeshay Iyo Wixii Ay Ka Wada Hadleen.

0000 somaliya

Muqdisho(Salaanmedia.com)-Golaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo lagu soo bandhigayay Miisaaniyad sanadeedka 2014-2015, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli SHeekh Axmed Maxamed
miisaa2

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay qodobo kale oo ay ka mid aheyd falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka ee nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay.
Ugu horeyntii Agaasimaha Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda Axmed Cabdi Aadan (Iraad) ayaa sharaxaad dheer ka siiyay Golaha Wasiirada ee xukuumada qaabka qorsheedka Miisaaniyadda dawladda ee 2014-2015.
Dood dheer kadib, golaha Wasiirada ayaa mariyay Miisaaniyad sanadeedkan oo cadadkeedu dhan yahay 218 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, una badan filashada dakhliga gudaha ee dalka.
miisaa1

Miisaaniyaddan golaha Wasiiradu meel mariyeen ayaa la filayaa in loo gudbiyo golaha Baarlamaanka si ay uga doodaan kadibna u ansixiyaan.
Dhanka kale, golaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka ayaa cambaareyn u jeediyay falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka ee lagu dilay nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay, waxayna tacsi u direen qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen odayaashaasi

miisaa