Golayaasha Baarlamaanka Oo Daawanaya Khilaafka Sharci Ee Ka Dhex Qarxay Dawlada Dhexe Iyo D/Hoose Ee Salka Ku Haya Awooda Maamul Ee Dhulka Danta Guud

Golayaasha Baarlamaanka Oo Daawanaya Khilaafka Sharci Ee Ka Dhex Qarxay Dawlada Dhexe Iyo D/Hoose Ee Salka Ku Haya Awooda Maamul Ee Dhulka Danta Guud

Wakiilaaadaaa

Hargeysa, March 14, 2014 (Salaanmedia.com) – Labada gole ee Baarlamaanka Somaliland Guurtida iyo Wakiilada oo ah golayaasha sharci dajinta dalka, isla markaana awood distooriya u leh dajinta xeerarka iyo dabagalka shuruucda la dhaqan galiyay ayaan ilaa hada ka hadal khilaafka sharci ee ka dhex taagan xukuumada iyo maamulada golayaasha deegaanka dalka ee gacanta ku haya dawladaha hoose ee degmooyinka dalka.
Khilaafkaasi oo ka dhashay wareegtadii wasiirka hawlaha guud C/risaaq Khaliif Axmed uu kaga xayiray dawladaha hoose inay bixiyaan qorshayaasha dhulka danta guud, oo golaha deegaanka caasimada Hargeysa-na ku tilmaameen digreetada wasiirka hawlaha guud mid qayrul sharciya oo baalmarsan xeerarka maamulka gobollada iyo degmooyinka xeer Lr 23 iyo maamulka dhulka xeer Lr 17, ayaa maamulka dawlada hoose ee caasimadu ay sheegeen in hawshoodii qorshaynta dhulka danta guud ay sii wadayaan, isla markaana aanay u joojinayn wareegtada wasiirka oo ay sheegeen inay baalmarsan tahay sharciga iyo xeerarka.
Khilaafkan awoodeed ee salka ku haya sharciyada qorshaynta dhulka danta guud ee ka dhex taagan dawlada dhexe iyo dawladaha hoose ee dalka oo la filayay in golayaasha xeer dajintu Guurtida iyo Wakiiladu oo iyagu ansixiyay isla markaana dajiyay xeerka maamulka dhulka ee Lr 17 inay cadeeyaan awoodaha ay u kala leeyihiin dhulka danta guud xukuumada iyo maamulada dawladaha hoose ayaan ilaa hada iyagu soo dhexgalin murankaasi sharci, isla markaana looga baahnaa maadaama ay yihiin golayaashii xeer dejinta dalka in murankaasi sharci ee labada dhinac ka dhex aloosan ay ka garnaqaan ayaa iyagu isku daawanaya xukuumada iyo dawladaha hoose.
Si kastaba ha ahaatee golayaasha sharci dajinta ee labada gole Baarlamaan ayaa looga baahan yahay inay si dhakhso ah uga hawlgalaan murankaasi sharci ee ka dhex curtay dawlada dhexe iyo dawladaha hoose ee dalka inay soo afjaraan, isla markaana u yeedhaan wasiirka hawlaha guud C/risaaq Khaliif Axmed iyo maamulka dawladaha hoose ee dalka ee khilaafkan sharci sida tooska ah saamaynta ugu leeyahay iyagoo u eegaya shuruucda iyo xeerarka u yaala dalku waxay dhigayaan….

L Q L