Guddida Arrimaha Gudaha Wakiilada Oo Wasiirka Hawlaha Guud Qoraal U Yeedhis Ah U Qoray Iyo Khilaafka Sharci Ee Ka Taagan Maamulka Dhulka Danta Guud

Guddida Arrimaha Gudaha Wakiilada Oo Wasiirka Hawlaha Guud Qoraal U Yeedhis Ah U Qoray Iyo Khilaafka Sharci Ee Ka Taagan Maamulka Dhulka Danta Guud

DANTA GUUD

Hargeysa, March 16, 2014 (Salaanmedia.com) – Guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgalyada golaha wakiilada Somaliland ayaa la sheegay in wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta C/risaaq Khaliif Axmed ay u qoreen qoraal ay kaga dalanayaan inuu guddigooda arrimaha gudaha horyimaado.
Sida ay qaar ka mid ah warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah xubnaha guddiga arrimaha gudaha wakiilada ayaa sheegay in wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta C/risaaq Kkaliif Axmed oo xilligan khilaaf cakirani ka dhex taagan yahay maamulada dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka dalka ay u yeedhayaan si ay wax uga waydiiyaan sharciyada labada wareegto ee uu dawladaha hoose kaga mabnuucay qorshaynta iyo bixinta dhulka danta guud, kagana dalbaday in tirada liiska dhulka danta guud ee ay hayaan ay u soo gudbiyaan.
Arrinkaasi oo golaha deegaanka Caasimada Hargeysa ay ku tilmaameen in wareegtooyinka wasiirka hawlaha guud ay baalmarsan yihiin shuruucda, xeerarka maamulka xeer Lr 17 iyo gobollada iyo degmooyinka xeer Lr 23 oo ay sheegeen in shuruucdaasi ay dawladaha hoose awood u siinayaan maamulka iyo qorshaynta dhulka. Golaha deegaanka ee caasimada oo iyagu cadeeyay inaanay ku dhaqmaynin wareegtadii hore ee wasiirka hawlaha guud uu kaga mabnuucay qorshaynta dhulka oo doraadna wareegto labaad ka soo daba saaray wareegtadii hore ayaa isaga calaamatul su’aal la saarayaa sida ay shuruucda dalka u waafqasanyihiin wareegtooyinka uu soo saaray maamulka iyo xeerarka dhulka, gobollada iyo degmooyinka ee dhaqan galka ahna ay kala qeexeen awoodaha maamulka dhulka danta guud ay u kala leeyihiin dawlada dhexe iyo dawladaha hoose, oo xeerarka dhulka ee Lr 17 uu maamulada dawladaha hoose awood u siinayo qorshaynta dhulka magaalooyinka.
Sidoo kale ilo wareedyo u dhuun-daloola wakiilada ayaa sheegay in wasiirka hawlaha guud C/risaaq Khaliif Axmed ujeedoonka ay guddiga arrimaha guduhu ugu yeedhayaan ay salka ku hayso wax ka waydiinta wareegtooyinka uu iska soo daba saaray iyo sharciyada awoodeed ee uu u daliishaday.