Guddida Joogtada Baarlamaanka Oo Socdaal Shaqo Ugu Kicitimay Awdal Iyo Md Buubaa Oo Sheegay In Xafiisyo Ay Ka Furan Doonaan Gobollada Dalka

Guddida Joogtada Baarlamaanka Oo Socdaal Shaqo Ugu Kicitimay Awdal Iyo Md Buubaa Oo Sheegay In Xafiisyo Ay Ka Furan Doonaan Gobollada Dalka
BAARLAMAANKA s

Hargeysa, March 17, 2014 (Salaanmedia.com) – Guddiga joogtada golaha wakiilada Somaliland oo shalay socdaal shaqo ugu kicitimay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa maanta si rasmiya xadhiga uga jari doona xafiis golahooda wakiil uga noqon doona gobolka Awdal, kaas oo sidoo kalena ay gobollada kale ee dalkana ay xafiisyo ka furi doonaan.
Waftiga Baarlamaanka ee socdaalka hawleed ku tagay Boorama oo uu hogaaminayo gudomiyaha guddiga joogtada xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ay weheliyeen xubnaha guddigaasi oo aanu khadka Tilifoonka kula xidhiidhay Warbaahinta qaar ka mid ah u xaqiijiyay in ujeedada ay waftigoodu socdaalka ugu kicitimeen Boorama ay salka ku hayso furitaanka xafiisyo golahooda wakiilo uga noqon doona gobollada dalka oo hawlwadeenana ay u fadhiisan doonaan ay maanta si rasmiya uga furi doonaan Boorama xafiiskii ugu horeeyay, ugu horayn Md Buubaa isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi “Ujeedada waftigayaga ee Boorama waa mid shaqo waana guddigii joogtada ee golaha wakiilada oo waxaanu socdaal ku maraynaa gobollada dalka oo aanu xafiisyo xidhiidhiya shacbiga iyo golaha wakiilada oo wakiilo u fadhiyaan aanu ka furayno, maanta ayaananu si rasmiya xadhiga uga jaraynaa xafiiskii golaha wakiilka uga noqon doona xarunta gobolka Awdal ee Boorama”
Waxaanu intaa ku daray “Gobollada Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool ayaanu iyagana xafiisyo ka soo furi doonaa socdaalna ugu baxaynaa”
Talaabadan ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee golaha wakiiladu xafiisyo ka furtaan gobollada dalka si xidhiidh ay ula yeeshaan bulshadu golaha wakiilada ee ay soo doorteen iyo shuruucda dalka ay dajinayaan.