GUDDIGA QABAN QAABADA KULMIYE OO HOGGAANKA KU CELISAY XULASHADA ERGOOYINKA IYO NUXURKA KULAN SHALAY DHEX MARAY MADAXWEYNAHA IYO MUSE BIIXI.

GUDDIGA QABAN QAABADA KULMIYE OO HOGGAANKA KU CELISAY XULASHADA ERGOOYINKA IYO NUXURKA KULAN SHALAY DHEX MARAY MADAXWEYNAHA IYO MUSE BIIXI.
KKULLL

Hargeysa(Salaanmedia.com) Guddigii qaban qaabada shirweynaha xisbiga KULMIYE, ayaa la sheegay inay dib ugu soo celiyeen hoggaanka xisbiga kala doorashada qaabka lagu soo xulayo ergada shirweynaha ka qayb galaysa oo uu muran ka taaganyahay sida loo soo xulayo

Shirweynaha oo qoondeysnaa inuu furmo 22 March, ayaa u baaqday doodda iyo ismaandhaafka ka taagan qaabka loo xulanayo ergada shirweynaha. Guddiga qaban qaabada ayaa ku guuleysan weyday inay kala doorato in ergada lagu soo xulo codadkii KULMIYE ee uu gobal walba ka helay doorashooyinkii uu xisbigu ka qayb galay iyo qodobka labaad oo ah in lagu soo xulo nidaam beeleed. Waxaanay shalay hoggaanka xisbiga ku wargeliyeen inay iyagu kala doortaan qaabka lagu soo xulayo ergada shirweyaha, maadaama oo ay u suurtogeli weyday inay qodob ku midoobaan.