Guddiga Qaban Qaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Oo Hogaanka Xisbigaasi Si Deg Deg Ah Isugu Yeedhay+Ujeedada Shirkan

Guddiga Qaban Qaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Oo Hogaanka Xisbigaasi Si Deg Deg Ah Isugu Yeedhay+Ujeedada Shirkan
Kulmiye-logo-138x145

Hargaysa(Salaanmedia.com)-Sida ilo xogogaal ahi ay sheegeen Hogaanka xisbiga kulmiye ayaa kulan degdeg ah saaka isugu yeedhay Gudiga qaban-qaabada shirweynaha xisbiga oo ku guuldaraystay inay qabtaan shirweynaha xisbiga oo loo muddeeyay inuu qabsoomo 22-33 Maarso 2014-ka

Gudiga qabanqaabada shirweynaha kulmiye oo uu badidooda soo xulay hogaanka xisbiga kulmiye balse Qasriga Madaxtooyaduna badh ku darsaday ayaa lagu soo xulay Qaab-beeleedka xisbiga Kulmiye u dhisan yahay , si beel waliba isaga hesho liiska amaba isaga dhex aragto inkastoo labo beelood oo keliya xisbiga ku hirdamaan.
Gudiga qabanqaabada ayaa iyaga laftooda Beelo iyo xulafaysi isu kala-guray, kuna heshiin waayey qabanqaabadii shirweynaha iyo saami qeybsiga Ergada,iyadoo xubin waliba sidata tirada Ergooyinka beeshiisu ku qanacsan tahay ee haddaan la aqbalin shirweynuhu burburayo amaba shirweyne suurtogalayn.Ku darsoo Qasriga Madaxtooyada ayaa isaguna arintan saameyn xoog leh ku leh maadabuu Gudiga xubno doora ku darsadey,Beelaha hirdamayana ka mid yahay.
Geesta kalena Gudoomiyaha Gudiga qabanqaabada oo ka soo jeeda beesha Samaroon Ayaan isagu bataatanba ku qanacsayn sida loo qaybsadey Ergooyinka iyo saamiga beeshiisa la siiyey.
Isku soo wada duuboo kulankan la filaayo maanta oo Hogaanka xisbiga kulmiye ugu yeedhay Guddiga qabanaqaabada shirweynaha kulmiye ayaa daaran ama ujeedadiisa dhabta ahi tahay in maadaba ay ku fashilmeen qabashadii shirweynaha Xisbiga inay hawsha iska soo wareejiyaan oo Hogaanku la wareego.