GUDDOOMIYAHA HA,YADDA SHAQAALAHA IYO RAG UU WATO OO DHAWACYO SOO GAADH-SIIYEY TIFAFTIRAHA WARGEYSKA OGAAL

GUDDOOMIYAHA HA,YADDA SHAQAALAHA IYO RAG UU WATO OO DHAWACYO SOO GAADH-SIIYEY TIFAFTIRAHA WARGEYSKA OGAAL

1 ogaal_257_250a

Hargeysa(Salaanmedia.com) Guddoomiyaha ha’yadda shaqaalaha dawlada Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale iyo rag ka soo jeeda beeshiisa,ayaa shalay weerar gacan ka hadal ah iyo dhaawacyo isugu jira u gaystay Tafatiraha Wargeyska Ogaal Cabdifataax Ismaaciil Caarshe, kuwaas oo ku weeraray waqti uu abaaro laba iyo tobankii duhurnimo marayey Wasaaradda Caafimaadka iyo ka soo horjeedka Wasaarada boosaha iyo isgaadhiista Somaliland.

Cabdi Fataax Ogaal

Weerarkan oo uu soo abaabulay Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha isagoo markii uu arkay Tafatiraha Wargeyska u yeedhay rag badan oo ay isku beel yihiin, kaas oo gudoomiyuhu wanjalay wariyaha una sheegay dad goobta joogay oo damcay inay ka qabtaan Wariyaha iska hor-taagay, diyaarna ahaa, kana dambaysay markii wariyaha halkaas kula balameen niman
shaqo kuwada jireen oo ay la socdeen, lana sii abaabulay raggaas oo mar kaliya ku wada degay, gacantana wada saaray wariyaha oo waqtigaas ka soo rawaxay waajibaadkisii shaqo ee uu gudanayey, isla markaana waxa uu Guddoomiyuhu ku dhawaqaayey markii uu arkay Wariyaha oo uu siwacan u garanaayey laftigiisu. “Waar waakan inanka-yar ee qora Wargeyska Ogaal,”ayuu yidhi Guddoomiyaha ha’yadda shaqaaluhu. Ka dib talaabadan ayaa ka dambaysay markii wargeyska Ogaal cadadkiisii 2229 ee soo baxay Arbacadii 26 march 2014-ka uu daabacay warkii ahaa in Dr. Cali Macow in Wasaaradda caafimaadka Somaliland siisay ruqsada imaanshiyaha dalka Somaliland.
Guddoomiyaha oo ragga ay isku beesha yihiin kacanta ugu fiiqay Wariyaha ayaa waxa ka mid ahaa hadalkiisii. “Waakan inankii yaraa ee dila….Dila…Dila, ”Sidaas markuu yidhi Guddoomiyaha ha’yadda shaqaalaha Nuux, ayaa waxa mar kaliya gacanta ku wada bilaabay rag tiro badan, halka qaar ka mid ahaana ay labadiisii gacmood laba diblo u qabteen, qaar kalena garacayeen. Markii dambe oo ay ka qabteen rag ku sugan goobta iyo dad marayey laamiga ayaa waxa Guddoomiyuhu ku dhawaaqay markii lagu yidhi inanka miyaad garanayn inuu yahay Wariye Ogaal ah. Waxaanu ku jawaabay Guddoomiyuhu,”Anigu waxaanv moodayey Hawiye oo waxa liiska hore iigu jiray inuu yahay Hawiye oo dalka ka masaafiriya ayaanu islahayn ee ma Habar-jeclaa. Halkan anaga ayaa ka talina oo Hargeysa leh yarkow”ayaa ka mid ahaa hadalkiisii.
Sidoo kale dadka soo weeraray Wariyaha ayaa ku dhawaqaayey hadalo ka mid ah, “Maxaad u qabsan waydeen oo soo galiyey arrintan, halkan anaga ayaa ka talina iyo hadalo kale.”ayay lahaayeen raggaas uu watay Guddoomiyaha shaqaluhu.
Guddoomiyaha iyo ragga la socday waxay ku hanjabeen inay weerarayaan Xarunta Wargeyska Ogaal iyo Tifaftirihiisa, siina raacinayey inay dad kalena soo kaxaysan doonaan oo iyagu halkan ka taliyaan.
Dhinaca kalena waxa hore u jirtay in Guddoomiyaha ha’yadda shaqaaluhu ugu hanjabay Wargeyska Ogaal inuu rasaas madaxa kala dhacaayo, isla markaana waxaanu ka rabuud garaynay saldhiga dhexe ee bilayska magaalada Hargeysa, oo aanu galinay oobiiga. Hase yeeshe ma garanayno sababta noo keentay iyo u-jeedada dagaalka toona ee uu hor kacaayey Guddoomiyaha ha’yadda shaqaalaha.

Salaanmedia/Hargaysa