Guddoomiyaha Maxkadda Sare Ee Somaliland Oo Si Cadho leh U Joojiyey Shir Qarsoodi ahaa oo Xubno Guddida Cadaaladda Ka Mid ah Iyo Garsoorayaal Dhex Maray.

Guddoomiyaha Maxkadda Sare Ee Somaliland Oo Si Cadho leh U Joojiyey Shir Qarsoodi ahaa oo Xubno Guddida Cadaaladda Ka Mid ah Iyo Garsoorayaal Ka Wadeen Maxkamadaha Hoose.
gudoomiyaha maxkamada

Hargeysa(Salaanmedia.com) Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Gar-yaqaan yuusuf Ismaaciil isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Somaliland ayaa goor dhaweyd kala dareeriyey xubno ka tirsan guddida cadaaladda iyo garsoorayaal Maxkamaddaha hoose ka tirsan oo shir qarsoodi ah oo aanu waxba ka ogayn ku qabtay mid ka mid ah xafiisyada maxkamadaha hoose ee Hargeysa.
Ilo wareed u dhuun daloolay shirkaas ayaa sheegay in shan xubnood oo ka mid ah guddida cadaaladda iyo xubno garsoorayaal ahi saaka shirka furteen maxkamadaha hoose balse guddoomiyaha Maxkamadda sare oo ordayaa soo galay halkii shirku ka socday kaasoo inta uu miiska u garaacay ku amray in la joojiyo shirka isla markana amray in ay kala dareeraan.
Qof goob joog ahaa ayaa sheegay in Guddoomiye Yuusuf oo cadhaysani ku muusanaabay sababta shirka loo qabtay in ay u cadeeyaan isagoo ku dooday shir aanu ogayn in aanay cidina qaban Karin, maadaama uu yahay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare isla markaana uu yahay guddoomiyaha guddida cadaaladda oo ah masuulka kali ah ee isagu yeedhi kara xubnaha guddida cadaaladad heer qaran.
Ma cada ujeedada ka danbaysay shirkaasi hase yeeshee waxa jira dareen siyaasadeed oo ka socda Bahda Garsoorka, kuwaas oo qaarkood na ay la safan yihiin Xukuumadda, halka kuwo kalena ay u muuqdaan in ayw adaan olole ka dhan ah Xukuumadda isla markaana abaabulkoodu u muuqdo in uu salka ku hayo Axsaabta Mucaaradka ah.
Dhacdadan ayaa saaka yool yool ku abuurtay Maxkamadaha hoose, waxaana ka muuqda in sir culus oo dhex taalay ay fashilantay, isla markaana waxa laga dareemayaa in hawl maalmeedkii shaqo ee maxkamaduaha hoose saaka habacsanaan badani ka muuqato.
Dhawaan Xukuumadda ayaa caddeysay in Garsoorku qaladaad badan ku sameeyo kiisaska isla markaana waxa ay ku dhawaaqday in ay gabi ahaanba joojisay fulintooda, halka Guddoomiyayaasha Maxkamadaha hoose ee gobolka Maroodi-jeexna kaga doodeen in ay faragalin ku hayso Xukuumaddu maamulka Garsoorka.
Guddida Cadaaladda oo iyadu leh hubinta iyo dabagalka cabashooyinka dhinaca Garsoorka ayaan wax jawaab ah ka bixin khilaafka xukuumadda iyo Garsoorka, hase yeeshee guddoomiyaha Maxkamadda sare oo ah isla guddoomiyaha guddida cadaaladad ayaa eeda khilaafka dusha uga tuuray garsoorka isagoo bari yeelay xukuumadda.
Mucaaradka gaar ahaan xisbiga wadani ayaa isla markiiba Xukuumadda ku eedeeyey in ay faragalin ku hayso garsoorka, iyagoo ugu baaqay in ay ka dayso cabudhinta ay ku hayso Garsoorka. Isla markaana ay u ixtiraamto madax banaanidooda.
Tan iyo wakhtigaas waxa soo shaac baxayey khilaaf huursanaa oo u dhaxeeya Xukuumadda iyo Garsoorayaasha qaarkood, taasoo sida muuqata imika u eg in uu khilaafkoodu ka weyn yahay inta ay ra’yul caamka tuseen.