Guddoomiye Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Sheegay In Aan La Aqbali Doonin In Doorashadu Dib U Dhacdo Si Kululna U Weeraray Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland

Guddoomiye Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Sheegay In Aan La Aqbali Doonin In Doorashadu Dib U Dhacdo Si Kululna U Weeraray Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland
FAysal Cali

Nayrobi(Salaanmedia.com)March.10.2014 -Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo Haatan Magaalada Nairobi ku sugan ayaa Weerar afka ah ku qaaday Socdaallo uu dhawaan Madaxweynaha Maamulka Puntland ku Tegay Ismaamulka Somalida Ethiopia.
Eng. Faysal ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland in uu amni daro ka wada Puntland iyo Somaliland,isagoona ku si feeyay booqashadii uu ku tagay Jigjiga mid la Xidhiidha Durbaan Qabiil oo uu Tumanayo, taas uu ku sheegay mid looga Gol leeyahay sidii la isugu xidhi lahaa Garowe, Wardheer iyo kismayo.
“Ninkaa madaxweynaha ka ah Puntland waxaan is lahayn markii la doortay waxbuu ka badali lahaa balse wuxuu wataa durbaan qabiil oo uu doonaayo in uu ku tumo Garoowe, Laasacaanood, Kismaayo iyo ilaa kilanka shannaad” ayuu yidhi Feysal Cali Waraabe.
Feysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay madaxweynaha Puntland in isbadal ku sameeyo dhaqanka uu la soo baxay ee ah in uu qabiilkiisa ku baahiyo deeganno ay ku jirto dhulka Ethiopia.
Wuxuu kaloo sheegay Feysal Cali Waraabe in Sool iyo Sanaag aaney cid gaar u leh, oo qabiil kasta ayaa deggan oo aanu ku xisaabtami karin.
Ugu dambeyn wuxuuu sheegay intii uu joogay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya in uu kulamo la qaatay diplomaasiyiin caalami oo dunida laga Yaqaano.
Jawaabtan ayaa noqonaysa middii ugu horraysay ee uu Guddoomiye Faysal ku weeraro Madaxweynaha Puntland, waxana ay Haatan jawaabtiisani u muuqataa mid uu ku muujinayo tallaabooyinka aan toolmoonayn ee uu madaxweyne Cabdiweli ka wado Gobolka……