Guddoomiye-yaasha Maxkamadaha Gobolka Iyo Rafcaanka Oo Xukuumada Ku Eedeeyey Inay Faro-galin Qaawan Ku Hayso

“Imika Warqadii Ugu Danbaysay Nin Wasiir Ah Ayaa Ii Soo Qoray, Niman Tuug Ah Oo 480 Ku Eedaysan Ayuu Walaahi Igu Yidhi Waxaan Ku Farayaa Inaad Nimanka Caynkaas Ah Soo Dayso” Gud/M/Gobolka
GUDOMI MAXAKAMADA

Hargeysa, March 2, 2014 (Salaanmedia.com) – Guddoomiyeyaasha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Faysal Cabdilaahi Ismaaciil (Dhago-dhago), Rafcaanka C/rashiid Maxamed Maxamuud (C/rashiid Duraan) iyo garsoore-yaal ka hawlgala maxkamadaha Hargeysa ayaa faro-galin qaawan ku eedeeyey wasiiradda xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo oo ay ku naqdiyeen inay shaqadooda ka wadi kari laayihiin.
Bahda garsoorka ee sida fiinta uga qayliyey faro-galinta ay sheegeen inay xukuumadu ku hayso ayaa waxay si gaar ah uga magac-dhabeen golaha wasiiradda dawladda wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda daakhiliga C/laahi Abokor Cismaan oo ay ku eedeeyeen inuu warqad amar ah u soo qoray guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi-jeex oo uu ku amray inuu joojiyo dacwad dhul oo ka socotay maxkamadda, kuwaas oo tibaaxay inay wasiiro kale-na amar aan qoraal ahayn ku xagal-daaciyaan hawsha ay qaranka u hayaan.
Waxaanay sidaasi ku sheegeen shirjaraa’id oo ay shalay ku qabteen xarunta maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, waxaanay si mugleh ugu soo bandhigeen caqabado badan oo hortaagan inay shaqadooda si madaxbanaan u gutaan. Ugu horayna Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Faysal Cabdilaahi Ismaaciil (Dhago-dhago) oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Garsoor la caayeyo oo la dhaliilayo ayuun baad arkaysaa waliba ha ugu darnaadaan wasiiradii dawladuye, waxaanu khaatiyaan ka taaganahay oo qofkii la soo xidho-ba daba socda ee sii daaya lihi waa wasiir oo hadii uu tuug noqdo iyo hadii uu dhaawac noqdo-ba 24-ka saacadood ninka sii daaya lihi waa wasiir oo ninkan wax dulminayaana waa nin wasiir haysta oo saxaafad iyo suldaan haysta oo Madaxtooyo gali kari oo beena sheegi kara oo loo heelan yahay weeyi horta ninka wax dulmiyaa. Marka wax laga xukumo-na waxa uu tagayaa saxaafada oo uu ka hadlayaa markaasaa la odhanayaa garsooraha dacwada qaaday waa qoloma oo marka uu reerkooda noqon waayo ayaa hadana la odhanayaa gabadhiisu waa qoloma markaasuu reerkoodana noqon waayayaa, dabadeed ayaa la odhanayaa yey isku qolo yihiin garsoorahaasi markaasaa la odhanayaa hebel, isla markaas ayuu hebelkii aad isku qabiilka ahaydeen kula soo hadlayaa oo Xildhibaankaagii iyo suldaankaagii la doonanayaa halka ninka xaqa lihi aanu cidna la hadlaynin oo uu aayar halkaasi iska marayo, laakiin ka boro-bogaandada shubaya ee wasiirka haystaa ee baarlamaanka haystaa ee salaadiin iyo caaqilo haystaa waa daalinka oo ummadda oo dhami kula soo hadlayso ee aanu guryahayaga khaatiyaanka kaga taaganahay horta waa daalinkaas”.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolku isaga oo hadlakiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waxa jira niman wasiiro ah oo tuug u hadlaya oo ku odhanaya hebel maxaa loo xidhay? Oo aanad ka dhaadhicinaynin waar wasiir waa tuug oo waxbuu ninkani xaday oo 484 ayey ka hadlaan qaarkood oo marka wixii loo diido ee danta ay leeyihiin u suurtoobi waydo ayey odhanayaa garsoorku laaluush buu qaataa. Isaga oo garsoorkaasi hawsha aad ogtihiin haya oo aan baabuur lahayn oo xafiis hagaagsan aan lahayn oo 21-kii sanadood ee u danbeeyey aanu garsoorku lahayn hal baabuur oo qaada oo cidi rinji ma mariso oo cidi kursi ma keento, anagaa kuraasta keensanay oo rinjigaa aad arkaysaa anigaa ilaa imika lacagtiisii la igu leeyahay oo mariyey”.
Guddoomiye Faysal mar uu ka hadlayey kharashaadka xafiiskiisa ku baxa, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Stationary-gaygu bishii waa Hal milyan oo shilin, 8 ilaa 7 Compurer ayaa xafiiska yaala oo halkii khad waa $70 isla marka aan laba khad oo $140 ah ka soo iibiyo halkii milyan waxba iigama noola, kuraastaa aad arkayso waxa aan ka soo amaahday inanta Qadiimi haysata ee Faadumo Quule ayaan ka soo amaahday oo waa 600 dooller kuraastaasi aad arkaysaan oo walina badh ayey igu leedahay.
Mida kale qalinkaygani waxaanu ognahay inuu xukumo saddex wax ee ay naftu ugu jeclayd oo kala ah Naftii, Maalkii iyo Sharaftii, markaa saddexdii naftu ugu jeclayd ayaanu xukunaa oo godobtoodana waad garanaysaa oo reer-baynu ku kala joognaaye bari hore ayaa madaxa xabad nalagaga dhufan lahaa. Askar baa ila socota oo hadana baabuur ma lihi dee markaa miyey ila sii lugaynayaan?, mida kale garsoorayaashaasi iyaga oo dil, tuug, qaadacul-dariiq iyo kufsiba xukumay ayey hadana shacbigii baskii la sii raacayaan. Hadaba nimanka wasiirada ah ee nin-nin dilay ka hadlaya oo nin-ninkale xabad ku dhuftay ku odhanaya ha xukumine dib noogu dhig”.
Mar uu ka hadlayey wasiir warqad amar ah u soo qoray, waxa uu yidhi “Imika warqadii ugu danbaysay nin wasiir ah ayaa ii soo qoray, niman tuug ah oo 480 ku eedaysan ayuu walaahi qoraal iiga soo qoray isaga oo aan garanaynin inaan xukumay oo uu igu yidhi waxaan ku farayaa inaad nimanka caynkaas ah soo dayso”.
Faysal Dhago-dhago isaga oo ka hadlaya maxaabiista maalinkasta loo keeno,waxa uu yidhi “Maalinkasta 150 qof oo maxbuus ayey 14-ka saldhig ii keenaan, jeelkeena budhcad-badeed iyo argagixiso ayaa ku xidhan 50 qofna wuu qaadaa oo saldhigyadii ayuu ka rumaan gareeyaa, isla markaana waxaas oo garsoore ihi madaxa ma qaadaan oo wasiirada na dhaliilaya mid kaliya oo laga helo xafiiskiisa oo fadhiistaa ma jiro oo hay’ada dawladda 10-ka subaxnimo-ba waa wada faaruq, anagu ilaa kawda duhurnimo ilaa todobada subaxnimo madaxa ma qaadno oo nin garsoore ahi madaxa ma maqnaankaro oo dad baa u mudaysan. Hadaba wasiirka aan waxaa ogayn ayuun baa Tv-ga ka dhaleecaynaya meeshaas aad arkayso”.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Faysal Dhago-dhago isaga oo dhaliisha wasiiradda sii wata, waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay “Wasiirka na dhaliilaya bal kaalay saacad fadhiiso kursigan ku dhaha, walaahi inaanu saacad ku fadhiyi karin, halkan waxa ka shaqeeyaa waa Qareen oo ummadda u adeega iyo Garsoor, isla markaana godobka aanu qabno-na ma qabo isaga oo intaas oo baabuur isku daba xeera oo intaas oo ciidan ah kaxaysta oo intaas oo miisaaniyad ahi ay ku baxdo. Bal muxuu wasiirkaasi dalka u qabtaa? Dhuuni uun buu dalka ula joogaaye uma godoboobo xataa, hadana waa kuwaa wasiiradu iyaga oo aan garaynin na af lagaadaynaya”.
Intaa ka dib isaguna madasha ka hadlay Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka C/rashiid Maxamed Maxamuud (C/rashiid Duraan) ayaa ka xog-waramay mushkiladaha ay wehelka u yihiin maxkamadaha dalku, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan doonayaa inaan wax yar ka iftiimiyo maxkamadaha iyo waxay qabtaan inkasta oo aanay dad badani ogayn subaxdii maxaabiista la keeno waxa laga keenaa dad aad u faro-badan saldhigyada magaaladda oo ilaa rawaxaada la gaadhayo maxaabiistaas ayuun baa laga shaqeeyaa iyada oo dacwadaha madaniga ah iyo kuwa ciqaabta ahina ku dhexjiraan. Waxa kale oo iyaguna meesha ka muuqata in garsoorka iyo maxkamaduhu meesha ay ka shaqayn lahaayeen aanay ahayn wax ku filan shaqada, iyada oo intaas hadana la dhaliilayo oo midkasta oo wax laga xukumaaba uu odhanayo kiisbaa la iga xukumay”. C/rashiid Duraan isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu hadalkiisa intaas ku daray “Dakhliga dawladda way ka qayb-qaataan garsoorku oo sanadkan oo kaliya lacag aan suurta-gal ahayn oo aan lagu talo-galin ama aan qorshahaba ku jirin ayey maxkamaduhu soo saareen iyaga oo ka dedaalay koodh-fiiga maxkamadaha laga qaado, ganaaxyada dadka maxaabiista ah ee la xukumay la saaro, cadaymaha guurka iyo furniinka iyo macaamilaadka kale ee ay maxkamadda degmadu samayso”.
Dhinaca kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Qareen Maxamed Siciid iyo garsooreyaal kale, kuwaas oo dhamaantood sida fiinta uga qayliyey faro-galinta ay xukuumadu ku hayso, isla markaana ka digay cawaaqibka ka dhalankara faro-galinta garsoorka.