Gudidii Dhawaan Golaha Guurtida U Saartay Wax Ka Qabashada Dhacdadii Lagu Dilay Taliyihii Dagmada Xaaji Saalax Oo Ka Warbixiyey Sidii Ay Usoo Xaliyeen

Gudidii Dhawaan Golaha Guurtida U Saartay Wax Ka Qabashada Dhacdadii Lagu Dilay Taliyihii Dagmada Xaaji Saalax Oo Ka Warbixiyey Sidii Ay Usoo Xaliyeen
X SAALAAX GUDI

Hargaysa(Salaanmedia.com)mar.17.2014-Gudidi dhawaan golaha guurtidu usaaray xalinta dhacdadii ka dhacday deegaanka gobalka dadmadheed ee taliyihii Dagmada Xaaji saalax lagu dilay magaalada laanmulaaxo ayaa maanta ka warbixiyey hawla hoodii dhexdhexaadineed ee ay soo qabteen.
Gudidan oo maanta hortimi gudida joogtada ah ee golaha guurtida ayaa waxaa ay sheegeen in ay si nabada ay ku dhameeyeen hawlihii ay u kicitimeen sida oo kalena ay soo xaliyeen dhacdo kale oo iyaduna deegaankaasi ka jirtay.
Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan Oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisii kamida ahaa :
“…Mudana hada waa ay joogeen ayaan umalaynayaa wafitigii aynu u dirnay dhibaatadii ka dhacday laamulaaxo iyo xaaji saalax,waynu ogayn waa ay raagtay dhagaysigoodu iyagu se danbiga malahaynee aniga ayuunbaa haleeli waayey,in intan aynu ka badanana waa aynu jeclayn ee bal aan dhagaysano…”
Xildhibaan ku hadlaayey afka guurtida oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa hadaldiisii:
“…War qad uu noo soo diray xog hayaha golaha cabdilaahi ayaa nagu so dhacday waxaana uu yidhi wasiirkii soo baxa ayaa uu idin yidhi oo arinti may dhamaanee, markiibaanu baxnay si aanu u kala danbaynayba kowb iyo tobankii ayaanu galnay burco,isaguna saacadaa aanu galnay saacadeda ayuu ka soo galay laan mulaaxo,bisha tobankeedii marki ay ahayd ayaa aanu halkii badhasaabkii burco aanu isagu nimi dad badanbaana halkaa laysa gu keenay, qoladii nabarku ku dhacayna halkaasi ayaa ay yimaadeen,halkaa waxaan kaloo ugu tagnay qola ciisa muusa ah oo aad u cabanaysa oo yidhi nimabaa baar cad nalagaga dilay waana naloo soo qaban waayey,dawladuna kii habar yoonis ka dhintay ayuunbay raadinaysaa, markaa nimankaa ciisa muusee anaga gaa ula baxnay oo nidhi horta anagaa hawshiina dhamaynaynee nasuga aan tan nabadeeda xidhnee, shirkiibaanu isagu nimi qoladii cali siciidna dee nabadii waanu ka xidhnay…”
Xildhibaanku isaga oo hadalkisa sii wata waxaa u uyidhi”…markii aanu nabadii xidhnay ayaa qoladii ciise muusana nooga danbaysay oo yidhaahdeen taayadiina ka warama wasiirkuna waxaa uu yidhi yidhi guurtida aya hawshaa dhamaynaysa oo aan u xilsaaray ilaa dhamaad keeda markaa dee waxaan ku nidhi waar na suga hawl dheer oo an marnay ka dib wa ilaahay ma hadii mar haanu soo dhamaynay..”..